• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Carruur loo tababaray sameynta Jijimaha oo hadda kasoo saara lacago

Last updated Jan 21, 2021
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

In kabadan Labaatan carruur ah oo da’doodu u dhaxeyso 8 ilaa 14 jir ayaa ka ganacsada Jijimaha ay dhallinyarada u qaataan hab xarago ah, iyaga oo ka sameeya kuulo midabo kala duwan isugu jira oo la isku geeyay, waxa ayna u nashqadeeyaan hadba sida looga soo dalbado.

Maxamed Nuur waa 14 jir ah waxaa uu baranayaa sida loo sameeyo jijimaha xaragada ah qeybta naqshadeynta magacyada, waxa uu awoodaa sameynta jijimaha lagu nashqadeeyay calamada oo aad uga dhib yar marka lagu dul qorayo magac. waxa ayna walaalo yihiin tababaraha farsamadan.

Waxa ay ku qaadatay in uu barto farsamadaan muddo dhan Bil iyo Toban Maalin, isaga oo sheegay in dalabaadka ugu badan ay uga yimaadaan wiilasha.

Maxamed oo maalinta uu iibgeeyo uga soo xaroota lacag u dhaxeysa Afar ilaa Lix Dollar, ayaa dhaqaalaha ku wareejiya Hooyadii si ay ugu maareyso noloshooda.

“ Waxaa igu dhaliyay in aan barto kaddib markii aan ogaaday in carruurta asaagey ah ay lacag ka helaan, halkii xabo jinjin ah sameynteeda waxay igu qaadataa ugu yaraan seddex saac, waxaan ka helaa afar ilaa lix dolar, waxaana siiyaa waalidkeyga wixii aan shaqeysto” aayuu yiri Maxamed Nuur.

Waxa ay carruurtaan si wadajir ah mararka qaar ugu wada farsameeyaan jijimaha laga soo dalbado afaafka hore ee guriga tababarahooda oo ku yaal geed ay uga her galaan marka ay cadceedu kulu shahay inta ay ku guda jiraan howshooda.  Taas oo u sahleysa in uu ka saacido tababarahooda waxyaabaha ku adkaada sameyntooda.

Carruutaan waxaa lasiiyaa tababaro dhowr ah si ay u fahmaan sameynta Kuulaha, oo faa’iido lacageed ay ka keeni karaan, iyaga oo lagaga badbaadiyo Khataro badan.

Tababare Axmed Nuur, oo farsamadan baray carruurtan ayaa sheegaya in isaga la baray Laba sano kahor howshaan, islamarkaana uu go’aansaday in uu u faa’iideeyo saaxiibada ay xaafadda wada degan yihiin.

Waxa uu tilmaamay in waalidkiis uu u yahay isha dhaqaale ee ay ku tiirsan yihiin, isaga oo xitaa lacagta waxbarashada kaga dhiiba qaar kamida walaalihiis.

“ Kaliya ma ahan inan aniga uun ay igu ekaato xirfadan, waxaan jecleystay inan gaarsiiyo asxaabteyda xaafadda, qaar aan horay u baray way jiraan iyo kuwo aan hadda baro, fursad ay lacag ku heli karaan ayayna u noqotay, aniga waxaan farsamadan waxa aan ka helo wax ku barta walalahey iyo anigaba, waxaana rajeynayaa in aan meel wanaagsan ka gaaro howshan.”

Mid ka mid ah macaamiisha carruurtan waa Faadumo Khadar, waxay ka dalbatay in loo sameeyo jijin lagu qoraayo magaceeda, kaddib markii ay ku soo argtay asxaabteeda oo ay carruurtan u sameeyeen jijimaha.

Waxa ay xustay in maskaxda carruurtaan ay aad u sarreyso ayna aamini weyday markii loo sheegay heerka  farsamo ee carruurtan, dalabka jijin uu ku xardhanyahay magaceeda ayaa ka maqnaa muddo labo maalin ah.

Faadumo waxaa Jijintaan magaceeda loogu nashqadeeyay uga baxay qarash gaaraya 25 kun oo Shilinka Soomaaliga ah, oo u dhiganta Hal Dollar, Waxa ay sheegeysaa in ay u sahli karto in ay ku dhiiradaan farsameynta waxyaabo ka duwan jijimaha lagu xaragoodo oo ay hadda ku howlan yihiin horumarinteeda.

“ Waxaa leygu sameeyay jijintan hal dollar, runtii farsamadooda waa cajiib, waana la dhacay, waxay igu qaadatay in la ii sameeyo jijintan labo maalin, dadka loo sameynaayo oo badan awgeed.”

Dad badan ayaa rumeysan in haddii ay carruurtaan helaan dheerigalin joogto ah & taageerid ay soo saari karaan wax ka duwan kuwa ay hadda soo saaraan, waxaan ay howshooda tusaale muuqda u tahay sida ay ugu bisil yihiin horumarinta xirfadaha ay barteen.

WQ: Maxamed Qadar Cabdi oo ka tirsan Radio Himilo.

Share

Prev Post

Sidee ayey Beeraleydu uga hortagi karaan Ayaxa xaalufinta ku haaya Beerahooda?

Next Post

SOMA oo tababar ku so Gabagabeysay Jowhar iyo Maamulka Gobolka oo ka qeyb galay

You might also like More from author
Highlights

SOMA Oo Maanta Tababar Ugu So Gabagabeysay 20 Suxufi Magaalada Cadaado.(SAWIRO)

Highlights

(SAWIRO) Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA oo maanta Saxafiyiin Tababar uga…

Highlights

SOMA has concluded training workshop on improving the safety of journalists in…

Highlights

SOMA oo 20 Suxufi maanta tababar ugu so gabagabeysay Magaalada Dhuusamareeb

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

SOMA Oo Maanta Tababar Ugu So Gabagabeysay 20 Suxufi…

Jun 1, 2023
Prev Next 1 of 279
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.