Isbedello dhinaca nolosha ah ayaa ku yimid in badan oo ka mid ah qoysaska sannadkan barakaca ku tegay degaanka Ceel Jaalle ee duleedka Baledweyn.
Isbedelladan oo ah in qaarkood sameeyeen horumar dhinaca nolosha ah waxaa ugu wacan barakacayaasha oo ka faa’iidaystay fursado ganacsi iyo hal abuuro ay ka miro-dhaliyeen, si ay isaga filnaandaan ku tiirsanaanta hay’adaha gargaarka ee taageera barakacayaasha.
Deegaankan Ceel Jaalle waxaa ku nool qoysaska intooda badan kasoo barakacay Fatahaadda Wabiga uu ka sameeyey Magaalada Baledweyn.
Farxiya Cali Cabdi oo kamida Haweenka Ganacsiga ka sameeyay deeganka ayaa sheegtay in hirgalinta Maqaayad lagu iibiyo Cunto bisil iyo Dukaan raashin ah ay bartay daruuf dhaqaalo oo soo wajahday qoyska ay ku riixday ganacsigan, madaaam aysan jirin meel kale oo loo shaqo tago.
Farxiya oo ah Hooyada 7 caruur ah, ayaa Tilmaamtay in caruurta ay uga tagto Gaber la dhalatay iyadane ay usoo shaqeyso maqaayada oo ay ka hesho celcelis ahaan lacag dhan 5 ilaa 6 Dollar maalintii.
Aabaha Qoyska ayaa ah Muruq maal, marna soo hela biilka, marna soo waaya, waxaase jirta in qaar kamida caruurta ay kaga dabarto ganacsigaan lacagaha Dugsiga iyo Iskuulkaba.
“Waxaa igu dhaliyey Daruufo jira awgood. Maqaayada Masha allah weey ii socotaa Ceel Jaale wwey ku kala socotaa Ganacsigeeyga waxaan rajeeyna in uu ii sii socdo, Meel kiro ah ma ahan ee waa goob aan iska Sameeysanay oo Geedo hoostood ah wax la kireenaa Meeshaan maba jiraanba hada qof walba meel ayuu iska sameeysanayaa. Meel marka waxaan iska sameeysanay Geedo hoostood ah geedahaas hoostooda ayaan wax ku qabsanaa hada. Bariis, Baasto kariyaa , Muufo aayaan Dubaa, Hilib iyo shaah ayaan kariyaa Alxamdu lilaah Waan Barwaaqeeysanahay. waa shaqeeysanaayey Alxamdu lilaah Markii la soo guurayne gurigeyga tartiibkeyga ayaan usoo guuray shaqadeydana horaan u watay”. Ayey tiri Farxiya.
Dadka kale ee furasaaha ganacsi abuurtay waxaa kamid ah Safiya Axmed Shiikh oo kasoo barakacday xaafada Kooshin ee Baledweyne Saddex sano kahor, halkaas oo ay markii horaba ugu yaallay goob yar oo ganacsi oo ay ku iibin jirtay dhar iyo bagaash kala duwan.
Waxaa u muuqda in shaqada oo ay bilowday bil kahor ay tahay mid faa’iido badan u leh qoyskeeda, oo ka hela biilka maalintii.
Safiya oo haysata 9 caruur ah waxa ay sheegtay in uusan jirin dhaq dhaqaaq ganacsi oo xooggan, madaama dadka soo barakacay ay adeen toolooyinka oo ay ceel jaalle dadka ku yar yahiin maka loo eego labadii sano ee lasoo dhaafay.
Waxa ay SOMA uga warantay kala duwanaashaha labadeeda Ganacsi ee Magaalada iyo kan hadda ay ku hayso deegaanka Ceel Jaalle ee duleedka Baledweyn.
“Waxaan usoo qaatay dhankan Ceeljaale oo aad ayuu ganacsigiisu u fadhiyaa taas oo sababtay markaas in sidii biya baxadii hore loo soo qaxay aan loo soo qaxin oo dadku aay uqaxen tuulooinka marka sidaas darteed ayuuna ganacsigu meeshan ugu fiicneen oo uu caajis u yahay, aad iyo aad waan ka maareeyaa waan ka maareeyn jiray nolosha Caruurteeda oo markaan Magaalada ku dhex ganacsanyey aad ayuu ugu filnaa balse hada waxaad moodaa in aanu ku filneen. Magaalada gudaheeda ayaan ku ganacsan jiray oo aan ku iibsan jiray waana iigu fiicnaa Masha allah koleey waa a heli jiray nolol Maalmeedka. Sokoraan iibiyaa yaanyo ayaan iibiyaa Bagaash oo dhan ayaan iibshaa. waa kala duwan yihiin Markii magaalada lagu jiro Meel walbaa looga adeegtaa oo aad ayuu ganacsigeedu u fiicanyahay balse Markaan waxaad moodaa inuu saaid u hooseeyo Ganacsiga Wax wax kaa gadanaa Malahan hal iyo labo kama badno wixii maanta dhan aad u fadhisay oo kii magaalada ayaa ka sii fiicnaa ganacsigan marka”. Ayey tiri Safiya.
Abdiraxmaan Maxamed Cawaale oo kamid ah Aqooyahanka Magaalada Beledweyn ayaa sheegay in ganacsigan ay soo kordhiyeen haweenkan uu yahay mid faa’iido u leh noloshooda iyo tan bulshada, Maadama Deegaanka Ceeljaale ay ku yar yihiin Fursadaha ganacsi.
Waxaa kale uu tilmaamay in ay kaga maarmi karaan Shisheeye iyo deeqaha ay bixiyaan Ha’adaha gargaarka, haddii isku tashigaan shaqada ah ay sii wadaan.
“ Ganacsigan aay soo kordhiyeen haweenkan waa ganacsi ku cusub deegaanka oo aan hore looga baranin oo haweeynka waxa aay soo kordhiyeen fursado markaasi ganacsi ah oo bulshadana Markaasi wax tar u leh. siddo kale iyagana qooysaskooda iyo noloshooda aay ku maareeyaan. in badan marka si loo fiiriyo waa laga maarmayaa Shisheeyaha iyo hayadaha Deeqaha Bixiya sababtoo ah dadkani hadii aay iyaga wax qabsadaan wexeey Muhim utahay noloshooda waxaana aay ka maarmayaan in iyaga gargaar halala gaaro la yiraa. laakiin hadii markasto aay sidan oo kale fursado aay u saeeysataan naftoodana muhiim ayeey utahay Deegaankii aay ka soo jeedeena waxbeey usoo kordhineeysaa. marka hay,adihii iyo Dowladihii shisheeye oo deeqaha Bixinaye Markasta waa looga Maarmayaa arintan. waxaan kula tain lahaa marka hore in fursadahan ganacsi oo sidan oo kale ah la sameeyo si aayna dadku utabin Noloshii Magaada oo inta Deegaanka aay ku noolyihiin wixii aay ubaahanyihiin Si fudud aay u helaan”. Ayuu yiri Mr Cawaale.
Deegaanka Ceel Jaalle oo ay dagan yahiin dadkii ka barakacay Fatahaada Wabiga Shabeelle ayey aad ugu yar yihiin goobaha ganacsi sida maqaayadaha cunada iyo dukaamada madaama markii ay biyaha laabtaan inta badan ay dadka kasoo guuraan, waana mida kentay in haweenkan ay fursadahan oo ay u arkeen in ay ka bannaantahay abuurtaan.
WQ: Cumar Muxidiin Cumar oo ka tirsan Radio Hiiraanweyn.