In ardaydu ay tagaan halka ay wax ka bartaan waqtigii loogu talo galay kama wada sinna, taasi waxay muujineysaa sida ay ugu kala duwan yihiin dhowrida jadwalka waxbarsho ee Dugsigooda.
Waa wax caadi ah in aad la kulanto, marka aad ku socdaaleyso wadooyinka Muqdisho arday laga xirtay goobaha ay wax ka bartaan kuwaas oo fadhiya hareeraha iyo iridka laga galo iskuulka.
Badanaa waxaa ciqaab looga dhigaa in maalinkaa ay dib ugu laabtaan guryahooda, taas oo saameyn waxbarasho ku yeelaneysa ardayda.
Musamil C/fitaax waa 15 jir dhigta Fasalka Kowaad ee dugsiga sare, masaafo ku dhaw 2 KM ayuu u jiraa iskuulka uu wax ka barto, hayeshee waxaa caqabad ka heysata in uu tago waqtigii loogu talo galay, taas oo keentay in duruusta uu qaato ay ka kala dhinaato.
“ Habeenkii waxaan seexdaa xili dambe, waxaana ku dhafraa mararka qaar daawashada TV-ga, baraha bulshada iyo inan dheelo Geemamka lagu ciyaaro Internet-ka, waxaana dhacda in leyga xirto iskuulka oo ay sidaas igu dhaafto daruusta maalinka aan daaho” ayuu yrir Musamil C/fitaax
Waxaa jira arday aad uga fog dugsiga oo yimaada xili horre sida Cumar Cabdiweli oo ah 20 jir dhigta fasalka afaraad ee dugsiga sare, masaafo dhan 5 KM ayuu u jiraa iskuulka uu wax ka barto.
“Walaahi aniga waxaan ku jiraa ardayda xiliga hore timaada iskuulka, aad ayaan uga fogahay oo ilaa 5 Km ayuu ii jiraa, mararka qaar anigoo is leh waqti hore tag ayaa la iga xirtaa, madama aan soo dib dhaco, taasina waxay igu reebtaa saameyn ah inan duruusta maalinkaa la dhligay ay I seegto, balse saaxibadey ayaan ka codsadaa in ay iigu celiyaan sidaan ayaanna kula qabsadaa asxaabta aan isku fasalka nahay” ayuu tilmaamay Cumar Cabdiweli.
Dhinacooda gabdhaha oo aad uga shaqo badan wiilasha madama waxbarshada ay u sii dheer tahay howlaha guriga ayaa iyaguna ku kala duwan waqtiga ay tagaan goobahooda waxbarasho.
Muno Aweys waa 15 jir dhigata fasalka labaad ee dugsiga sare, waxay daris la tahay iskuulka ay wax ka barato, waxay inooga warrameysaa sida ay u jadwaleysatay shaqada guriga iyo in ay xili hore timaado iskuulka ay wax ka barato.
“Qofka isaga ayay ku xiran tahay ilaalinta waqtiga waxbarashadiisa, waa in uu sameystaa jadwal nidaamsan oo hage u ah si uusan waxbarashadiisa uga habsaamin, aniga hal mar ayaan ka soo dib dhacay iskuulka tan iyo markii aan u soo gudbay Subaxleyda, aad ayaan isaga ilaaliyaa in ay dib dambe iigu soo noqoto, waxaan sameystay jadwal ii kala nidaamiya howsha guriga iyo xiliga waxbarashada” ayay tiri Muno Aweys.
Shuruucda uga degsan dugsiyada ardayda soo daahda way ku kala duwan yihiin, Saciid Axmed waa Maamulaha Iskuulka Al anwaar ee ku yaalla dagmada dharkenley waxa uu innala wadaagayaa sida ay ula tacaamulaan.
“Iskuulka shuruucyo badan ayuu leeyahay oo la marsiiyo ardaygii ka horyimaada, dhianaca ardayda soo daahda, iskuulka waxaa la soo galaa hal saac subaxnimo, qofkii ka soo dib marana waxaa ciqaab looga dhigaa in maalinkaa dib loogu celiyo hoygiisa, balse maalinta xigta ayaan ugu celinaa wixii dhaafay, saameyn ayay ardaygu ku leedahay in uu ka soo dib dhaco waxbarashadiisa waana mid aan ka xunahay, markastana waan wacyigelinaa annaga oo uga warranna saameynta uu ku keeni karo waxbarashadooda” ayuu yiri Saciid Axmed oo ah Maamulaha Iskuulka Al anwaar eek u yaalla dagmada dharkenley.
Daawashada Muuqaal baahiyaha, adeegsiga baraha bulshada oo aan xad laheyn iyo dheelida geemamka lagu ciyaaro Internet-ka ayaa sabab u ah in ay ka soo dib dhacaan ardayda qaar goobahooda waxbarasho. Taas oo xagal daacineysa hadafka uu waalidka ka leeyahay ubadkiisa in uu gaaro Mustaqbalka.
WQ: Maxamed Qadar Cabdi Maxamed oo Radio Himilo ka tirsan.