Deegaanada Koonfur Galbeed gaar ahaa Degmada Ceel-berde iyo Deegaanka Rabdhiire iyo deegaano kale oo kawada tirsan gobolka Bakool ayaa xilligaan xoolo dhaqatada ku nool miygiga goobahaasi waxaa soo foodsaaray xanuuno dadka xoolo dhaqatada ay ku sheegeen magacyo kala duwan kaas lagu arkay xoolaha gaar ahaa geela.
Ilaa 400 oo geela ha ayaa haleelay cudurkaan boqol neefna waxaa la sheegay in ay u dhinteen cudurkaan, dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool miga koonfur galbeed ayaa sheegay in xoolahoda ay ku arkeen qandho iyo shuban taasi oo keenta dhimasho deg deg ah sida dadka xoolo dhaqatada ay sheegeen.
Aadan Xasan Maxamed waxaa uu asi iyo qoyskiisa kaso guureen todobaadkii ay soo dhaafnay miyiga degmada qasaxdheere ayaa ii sheegay mar aan kula kulmay duleedka Baydhabo in cabsi xoogan ay soo foodsaatay taasi oo ka heysta miyiga iyo magaaladaba.
“Xoolaha markii horeba xanuun wuu ku dhici jiray aniga ariga iyo geela ayaa dhaqdaa waxaana ku arki jjirnay hargab laakiin midkaan camal ma’arkin hada dhanka ceelberde ayaa ka imaanay Deegaanka garasgamaan ee duleedka baydhabo, xoolihii suqa keeno waxaa naleeyahay ma talaalna neefkaaga dhibka baadiyaha mid ka daran ayaa magaalada taala, xoolo ay iga dhinteen ma jiraan laakiin waa la soo cabsaday” ayuu yiri
Wasaarada Xanaanada xoolaha iyo daaqa KGS ayaa waxay sheegtay in ay xiriiro ay la sameeyey xoola dhaqatada ku nool miygiga koonfur galbeed waxaa ay sheegtay in cudur aan la aqoonin balse dadka ay ku sheegeen GUD lagu arkay xoolaha gaar ahaan geela.
Agaasimaha wasaarada Xanaanada xoolaha KGS Cumar Maxamed C/lahi ayaa Barnaamijka wadaag u sharaxay sida ay ku ogadeen xanuunkaan iyo talaabada ay wasaarada wado.
“waxaa rabnaa in aan bulshada la wadaagno arin soo korortay beriyahan waxaa nasoo gaarayey warbixin ku saabsan xoolo xanuunsan gaar ahaan geela dhibaato badana ku haayo dadka ree miyiga ah, dhibaatooyinka uu geystayna waxaa kamid ah in xoolo in kabad 400 iyo wax la jira oo geela ha in cudurkaasi ku dhacay boqolalna in ay u dhinteen, bulshada kgs in aan la wadaagno gaar ahaan kuwo miyiga iyo dadka magaalada in aysan la isticmaalin xilibka xoolaahaas iyo caanahooda, sidaas darted bulshada waxaan ku wacyi galineynaa in xilibkooda kuwa xanuunsan la iska ilaaliyo si dhibaato uga imaan bani’aadanka, waxaan kaloo rabnaa in maamulada degmooyinka aan u sheegno gaar ahaan kuwa faydhooowrka in ay la shaqeeyaan dadka xoola dhaqatada ah si loo badbaadiyo xoolaha, lana ilaaliyo xoolahaasi la gowracaayo’ ayuu ryi agaasimaha Wasaaraa Xasaanada xolaha KGS.
Cudurka GUD-ka loo yaqaano ma ahan markii u horaysay laga helo xoolaha sanado badan ayaa sidan oo kale lagu arkay, balse xanuunkaan saameyntiisa ayaa la sheegay in ay ka duwantahay kuwii hore, Xasan Maxaemd Isaaq oo ku dhowaad 30 sano qabiir dhanka xoolaha yahay oo SOMA la hadlay ayaa ka sheekeeyey xanuunada ay ku dhacaan xoolaha.
“Xoolaha sanad kasta marba meel ayaa loo wadaa xoolaha markii hore waxaa ku dhaci jiray shinbir iyo kud, kudka waa hargab markuu ku dhaco waxaa lagu arkaa qandho baran iyo neefta oo dhibta, sanbabada ayaa Is bedela, wadno garaac ayaa keena neefka xoolaha wuu ka dhex baxaa biyo badan ayuu rabaa in uu cabo, markii hore sidan ma ahan cudurkaan tododbo bari dhaxdooda neefka wuu is bedelaa, caanihii laga soo liso caruurta mise dadka la siiyo dhibaato ayuu u keena shuban iyo mataq” ayuu yiri Xasan Maxamed
Xasan Maxamed Isaaq ayaa qaba in dowlada garaa ahaan wasaarada xananada xoolaha faderaalka iyo tan maamulka loogu baahanyahay in ay soo celiyaan gobihii la yaqiinay ee lagu talaali jiray xoolaha.
“Arimaha hadey badanaa yihiin arimo bulsho waxaa wax ka qaban karta Dolwada, dowlada ayaa laga rabaa in ay wacyigalin sameyso oo ay la kaashadaan hay’addaha samafka ee ka shaqeeya xoolaha, sababta soo celceliyeyna waxay tahay mar hadii bay’adii xumaatay oo nadaafad xumo ka dhalatay xolihiina ay cunaanaa bacaha iyo geedaha la gubay, nabadguur ayaa wali socda wadamada deriska nahay waa laga mamnuucay bacaha” ayuu mar kale yiri Xasan Maxamed
Mudo ku dhow bil ayaa hadda xanuunkaan haya xoolaha gaar ahaan geela waxaana dadka ku nool kgs ay yihii xoolo dhaqato iyo beralay waxaa socda qorshooyin looha hortagaayo xanuunkaas iyo wacyigalin la siinaayo bulshada xoolo dhaqatada ah.
WD:- Shukri Ismaaciil oo ka tirsan Radio Warsan.