Dad kabadan Sagaal boqol oo qoys oo ku nool xeryaha barakaca ee Baasmille, Berdhimbili, Billan, Goof-yerow, Iyo Waami oo ku yaalla degmada Baydhaba ee gobolka Baay ayaa halkaas ku wajahaya musqulo yari.
Nuurto Macallin oo ah hooyada 15 carruur ah waxaa iyada iyo 140 qoys ay deggan yihiin xerada Baasmille oo ay soo gaartay billowgii bishiii Janaayo ee sanadkaan markii ay uga soo barakacday deegaankeeda abaara ka jira oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.
Waxay tilmaamtay in hadda ay hesho nolosha asaasiga ah, balse xaaladda ugu daran ee ku haysata xerada ay tahay musqulo la’aan iyo biyo yari, waxay kale oo ay sheegtay in carruurta ay banaanka xerada ay ku saxarodaan, halka dadka waawayn ay hal musqul ay iska sugtaan.
Nuurto ayaa tilmaamtay in dhibaato badan ay ku heyso xerada oo markii ay is-gaar-gaarto saxarada carruurta, roobkana uu ku dul da’o aysan u dul qaadan Karin urta ka imaaneysa oo xitaa ay ka baqayaan in caafimaad xumo ay ka dhalato.
Waxaa ay xustay inay u baahan yihiin in sida ugu dhaqasiyaha badan loogu dhiso musqulo ay galaan maaddaama dadka kaamka ku wada nool yihiin ay badan yihiin oo aysan ku filneen hal musuql oo waliba ay wadaagaan Laba xero barakac.
“Ilaahbaa mahad leh hadda ka hor kama bixin dhibkii aan inta u imaanay hadda waxaan rabnaa musqul banaankaan ayaa la fariistaa biyo malahan baadna malahan biyaha waa la iibinaa yaa la leeyahay waa la iska hor imanaa diiq iyo dooro camal waa la is fiirinaa. Ciyaal waxaan haystaa 15,caruur ah musqusha dhibkeeda wax la is waydiinaayo ma,ahan musqusha aadaan dhib ugu qabnaa banaankaan ayaan fariisanaa qof reer baadiye ahaa oo mushka madaxa la gali giray inta fariistay dhib in uu qabo moog maa u qabtaa?.”
Xerada Barakaca ee Goof-yerow waxaa ku nool dad kabada laba boqol & konton qoys kuwaasi oo u badan waayeel, carruur iyo hooyooyinkooda, mana jirto wax musqul ah oo xeradaasi oo ku yaalla, sida ay SOMA u sheegtay Batuulo Aadan Diyaad.
Waxay sheegtay muddo lix sano ah degan Kaamkan ayaa sheegtay in aan loo dhisin wax musqul ah, iyadoo ay soo gaarayeen marba marka ka dambeysa barakacayaal cusub, oo hadda ah qiyaastii in kabadan saddex boqol oo qoys.
Batuulo ayaa SOMA u sheegtay in walaac badan ay ka qabaan in cudurro ay ka dillaacaan xerada maaddama nadaafad xumo ka dhalatay musqulo la’aanta ay ka jirto.
“Musqul ma haysano musqul la,aantana waxay sabab u tahay nadaafad darada shuban biyaadkaa socdo in aan nadaafad helno musqulna aan helno wax kasta nadaafadena ka qiib qaadanayo waan u bahanahay ciyaalkayga waa 9,caruur shuban biyaadka hadda kaamka aan deganahay ma soo gaarin lkn kaam deris nala ah ayuu ku jiraa dhakhaatiirta baydhabo in wax noo wabtaan na soo booqdaan dawada nagu caawiyaan waan dandaraysanahay rafaadsanahay caruurteena shuban iyo matag yaa ku jiro kaamka nagu soo dhegan shuban iyo matag ayaa ku jira hadii allah yiraahdo in lana caawiyo dawada la inagu caawiyo raashiinka lanagu caawiyo musqusha lanagu caawiyo ayan rabnaa hadii alle raali ka noqdo. Dadkaan aad arkaysaan hoolihii gaajaa ka dhamaysay iyagaaba fa fadhiyo iyagoo nool ayey soo cureen wax loo dhowaan kara ma,ahan wax wax kuu goynaayo malahan iyagaaba isku dhamaanaayo dadkii iyo duunyadii ayaaba isku dhamaanneya.
Muddo badan ayaan musqul la,aan nahay dhowr sano ayan musqul la,aan nahay dadkaana hadda ayey nagu soo kor dageen 41,qoys waaye musqusha ma haysano ee banaanka leyba lagu saxroodaa marka inshaa allaahu wabillahi Towfiiq In Lanna Caawiyo Lana Gaca’Qabto Ayaan Rabnaa.”
Dhaqtar Cabdullaahi Cismaan Naaji oo ah dhaqtarka cudurrada guud iyo carruurta oo ka howgala xarunta caafimaadka Bay-haaw ayaa sheegay inay muhiim tahay in musqulo nadiiif ah ay helaan dadka soo barakacay taasi oo yareyn karta qataraha caafimaad ee ka dhalan karta nadaafad xumada.
Waxaa uu sheegay in xeryaha ay dadka ku badan yihiin isla markaana ay laga maarmaan tahay in laga taxadaro cudurrada faafa ee ka dhalan kara saxarada oo ay sabab u tahay musqulo la’aanta oo dadka barakacay ku qasabta inay dhulka ku saxaroodan.
Dhaqtar Naaji ayaa SOMA uga warramay cudurrada ka dhalan kara xeryaha haddii aan loo helin musqulo nadiif ah oo ay dadkaasi ay isticmaalaan.
“Nadaafad darada keeni karo waxaa ka mid ah sidaan dareemeyno baydhabo hada cuduro fara badan ayaa ka dilaacey cuduradaas faraha badana waxaa keenay biyaha wasaqeysan iyo meelaha wasakhda ah sida musqulaha oo kale bulshada marka waxaan ku dhiiri gelinayna in nadaafada guud ay ku dadaalan musqulahana layska hagaajiyo ee ciyaalka yer yerna meelaha ay ku saxroonayaan saxarada in meeshi looga taala galey la dhigo nadafada qof walboo saaran tahay mus’uul ka ah sababtoo ah nadaafada waa iimaanka barkiis qofka haduu nadaafad lahayn cuduro farabadan ayuu halis u yahay ee cudurada marka ee ay keenan waxaa ka mid ah shubin biyoodka shubin biyoodka haduu qofka ku dhaco waxaa laga yaaba in 24 sac gudahooda qofka haduu daryeel heli waayo inuu uu cudurkaas u dhinto marka cudurkan waxaa keena saan hore u sheegney nadaafad darada waaye bulshada waxaan ku dhiiri gelineynaa iney nadaafada ay ku dadaalaan si dadka ay u ay badbaadan maamooyinka badanaa ayagaa guryaha jooga ee fadlan nadaafa ciyaalkiina iyo guryihiina iyo musqulaha halagu dadaalo.
Ee tan kale waxaa jira wax yaabo looga hortago ee wax yaabaha nadaafad humada keena waxaa ka mid ah koloorinka xitaa hadii koloorin aadan heli kerin waxay u isticmaali karaan musqulaha in ay ku shubi karaan dambas mise ooliyo sidii takhsidii i waxaas u dhintaan”.
WQ: Saciid Sabriye oo ka tirsan Radio Baydhaba.