Inkabadan Shan boqol oo qoys oo kunool deegaanka Qoryoweyn ee bariga Fog ee gobolka Mudug ayaa wajahaya tan iyo bishii December ee sanadkii hore biyo yari xooggan oo ka dhalatay Abaaraha ka jira gobolka, iyadoo deegaankaan uu magaalada Gaalkacyo u jiro 170 KM. Dadka deegaanka ayaa sheegay inta badan ay go’een ceel biyoodyadii ay ka heli jireen biyaha ka dib markii ay gureen.
Caasho Maxamed oo ah hooyo ku nool deegaanka Qoryoweyn oo hoos taga magaalada Afbarwaaqo ayaa sheegay in aysan awoodin in ay iibsadaan biyaha sababo la xariira booyadda biyaha oo qaali noqday.
Sida ay sheegtay Hooyo Caasho biyaha ayaa laga Keenaa meel u jirta 40 KM, waxaana halkii Fuusto hadda ay ka maraysaa lacag dhan 12 doollar, oo aysan qoys ahaan awoodin in ay gataan.
Waxa ay sheegtay markii dadka deegaanka ay iibsan waayeen biyaha in ceel hoos u qodan 10m ay dul fadhiyaan muddo afar saac ama kabadan si ay u buuxsadaan caagaga jiirikaanada ah ee ay wataan.
Caasho Maxamed oo qoyskeedu ahaa xoola dhaqato ayaa haysta 70 Neef, halka 162 neef oo u badan ari ay ka laysay abaarta gobolka Mudug ka jirta, waxaana ay hadda ku fikirayaan in ay ka guuraan deegaankan si ay u raadsadaan goobo ay ka heli karaan biyo ku filan.
“Mudo afar saac baan dhaaminaayay caaguna waa biyo la,aan intaan baa iigu jirta yartaa sababtuna ceel biyaha owgeed waayae intaas aad ujedaa kujirta intaas yartaa oo cantuugada camal ah baa isoo darsamaysa halkii mar oo aan dalowga urito mudo badan baa soo dal dalee waa ujedaa dhafarkaa shanta baaca baan ku dhaan sanaa biyahaan aan meesha ka cabayno waa biyo wasaq leh, digo iyo firsho ayaa ka buuxda waa wasaq miiran ceel kale oo biyo laga cabo malahan isagaa uroon markii wadamada ay robabku ka di ijireen xoogaa biyo ayuu lahaan jiray markii abaaruhu dhacaan ayuu saan noqdaa abaartaa saan kadhigtay abaar baa dhacday tuulada dhan waxay biyaha ka cabtaa ceelkaan”
Macalin Cabdi Cabdule oo ah Gudomiyaha magaalada Qoryoweyn ayaa sheegay in ay jiraan biyo qaraar oo laga helayo degaano ka dhow kan hada dagmada looga keeno biyaha balse ay yihiin celaal biyahoodu aan la cabi karin.
Waxaa uu xusay in hadda ay kusoo hareen kaliya dadkii ku noolaa tuulada kadib markii ay iskaga guureen dadka reer Guuraaga ahaa, sababo la xiriira in aysan awoodi waayeen cabida biyaha qaraar ee ceelka laga helo.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in dadka deegaanka ay u dhiman doonaan baahi dhanka biyaha ah haddii aan lasoo gaarsiin biyihii ay u baahnaayeen waqti dhaw.
Waxaa hadalka intaa kusii daray in qeyb kamida dadka reer guraaga ah ee daganaaa magaladaan agaheeda ay iskaga hayameen kadib markii lawaayey celala xoolaha laga waraabsho.
“Maanta somaaliya caamahaan abaar baa saamaysay iyadoo ay wada saamaysay anaga gaar ahaan waxaan usii cod sanaynaa ilaahbaa wax loo sheegtaaye maanta wax biyaaa oo aan haysanaa majiraan mir xarar iyo mid macaan midna mahaysano waxaan kutiirsayn biyaha cirka oo balida noo gasha ceshaas ceel gacmeedyada kacabi jirnay iyada waa naga qalashay wax biyaa haba yaraatee oo goorkaan ku haray majiraan waxaan kutiirsanahay biyo baabuur korkiisa lagu keeno oo qaali ah oo fuustadii nuugu timaado 12 dollar waaa jiraan biyo xoogaa ka raqiisan oo xaraaroo dadku aysan cabi karin oo xoogaa lagu kaabto waaa jiraan biyaha muhiimkaa 12 dollar bay fuustadii nuugu timadaa”
Cabdullaahi Maxamed oo ah Aabe heysta Afar caruura ayaa sheegay in lacag looga soo diro dibadda si uu biyaha u iibsado balse dadka deegaankanka la joogay oo aan badankood awoodin darteed uu iskaga dhaafay bilowga bishii April ee sanadkaan, hadda uu qeyb ka yahay dadka safafka dhaadheer u gala helida biyo ay isticmaalaan.
Waxaa uu xusay in dadka ay halis ugu jiraan biyaha dhanaanka ah oo ay cabaan mar mar in ay ka qaado Cuduro kala duwan oo ay kamid yihiin Shuban biyoodka.
Dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay in laga caawiyo sidii dadka deegaanka ay ku heli lahaayeen biyo ku filan, oo ay ku badbaadiyaan naftooda iyo tan xoolahooda.
“Deegaanka biyaha waxaa noo kala keeni jiray ama aan ka heli jirnay ceelada degaanka kuyaala lakiin hada biyaha waxaa laga helaa meelo magaalada u fug ilaa 40 kilomitir awal halkii fuusto waxaan ku heli jirnay lacag dhan 5 dolaar ilaa iyo 4 dollar hadase lacag dhan ilaa 12 dollar ayaan ku gadanaa biyaha waaa dareemi kartaa majiro qof kaligii cabi kara biyo aysan awoodin inay gataan dadkii la noolaa marka waxaa laga yabaa halkii booyad ee aad latimaado inay boqolal qoys kula cabaan sidaasna biyuhu u dhamaadaan”.
WQ: Waxaa soo diyaariyey Farxaan Axmed oo kamid Radio Galgaduud