Roobka xagaaga oo saddexdii todobaad ee lasoo dhaafay ka da’ayay magaalada Muqdisho ayaa saamayn ku yeeshay qoysaska kasoo cararay abaaraha ka jira Gobolada Baay, Bakool, Gedo, Shabeelaha Hoose & Shabeelaha Dhexe & kuwii hore barakaca ugu ahaa xerooyinka dadka soo barakacay ee horey ugu sugnaa, iyadoo uu qaarkood ka qaaday guryihii ay deganaayeen & alaabo u yaallay guriga.
Sacdiyo Cusmaan Maxamed, wuxuu roobka ka qaaday hoy buush ah oo ku yaallay Kaamka Buula Mareer ee Gobolka Banadir kaddib marki uu qaaday daad ka dhashay roobkii da’ay 15 bishii July aynu soo dhaafnay.
Ma jirin cid kale oo ay gurmad ka heshay marka laga reebo dadka xerada la deggan oo caawiyay markii dhibku soo gaaray, waxay sheegtay in wax walba oo ay haysatay uu daadku ka qaaday oo ay wajahayso hadda hooy la’aan, una baahaan tahay in loo soo gurmado. Sacdiyo iyo carruurteeda waxay muddo Todoba habeen ah jiifteen meel bannaan ah oo xogaa taag ah, inkastoo markii dambe ay u heshay meel ay carruurta ka galaan roobka.
Sacdiyo ayaa lix bil ka hor abaarta ka jirta deegaan 13 KM dhanka bari kaga beegan Degmada Ceel-barde ee Gobolka Bakool uga soo carartay si ay nolol u helaan, halkaas oo ay ku laheed beer Sagaal Hiktar ah oo ay abaarta ka baabi’isay. Waxay nolosha qoyska ku maaraysaa dhar dhaqaw iyo shaqada xamaalka oo ay magaalada ka soo qabato maaddaama nolosha carruurteeda ay iyada oo kaliya ay ku tiirsan tahay.
“Silac iyo saxriir ayaan soomarnay markii aan halkaann soo gaarenay biyo la aan aa naheeso hunguri la aan aa naheeso silac iyo saxriir beerihii waa ay naga baa ba een waan rafaad nay silac iyo saxiir aa naheeso ilaa iyo hada wax aan helnay maleh intii aan joognay ila hada waxaan helanay sin siyeri kaas oo aan wax nacfi laheen swbto ah buushka madobolikaro dhib intaan lee ha inoo ahaado bacaha xitaa dadka aan ka soo tuugnay ma aheen wax ay hay ad inoo keento ma aheen lawaa tan iyo shanmaalm mood aan ay nagu qadatay in aan halkaan soo gaaro intaasna waan rafaad sanahay ma jiro qof halmaalin inoo imado maleh dhaxan aa heeso roobkana mafeerayo”
Kaamka Buula Mareer waxaa ku nool qoysas tiradooda ay garayso 200 qoys kuwaasi oo intooda badan ka soo barakacay Shabellaha Hoose & Shabeelaha Dhexe sida sida uu sheegayo Maxamed Aways Maxamed oo ah horjoogaha xeradaas.
Waxa uu sheegay in qoysaska barakacayaasha ah ee ku sugan degaanka ay haysato xaalada adag oo dhanka nolosha ah, islamarkaana xilligaan ay ugu darsantay xilliga roobka oo aysan meel ay ka galaan haysan, iyadoo ay u sii dheer tahay hooy-xumo, cunno-yari, & dawo la’aan.
Maxamed ayaa xusay in caruurta ay yihiin kuwa ugu daran ee saameyntu kasoo gaartay roobka Xagaaga eek a da’aya Muqdisho, maadaama ay into badan hadda la xanuunsanayaan cuduro ay kamid yihiin burkiitada qobowga daran ee jira awgeed.
Baahiyaha ugu weyn ee hadda dareemayaan dadka duruufuhu isu biirsadeen ayaa ah Bacaha Roobka si guryo kaga dhistaan, inkastoo ay soo gaartay deeq baco kooban ah laakin ma daboolin baahiyaha halkaan ka jira.
“Dad fara badan ayaa jooga halkan oo dhibateesan dadka waxey ubaahnyihiin allha iyo cid walba oo wax heesata dadkaan waa dad rafaad san wadaga soma in dhahooda ayey ku arkeen dhibtada halkan ka jirto oo rabka saameyey ilmaha yaryar ayaa dhaxanta heso ay samesay ma heestaan go iyo busto ay ka galaan dhaxanta waa dad rafaad san oo dhibto ay hesato waxaan baaq udirayaa ergaga arimaha abaraha ee Cabdiraxmaan Cabdishukuur Warsame xilweyn ayaa kaa saaran dadka dhibaateysan”
Iisho Abuukar Cusmaan oo ka tirsan qoysaska xerada barakaca ee Malable oo ku taalla deegaanka Garas-baallay ee duleedka magaalada Muqdisho ayay iyadana roobabku dhibaato u gaystay, waxayna ka xaaqeen gurigii ay degganayd oo awalba ka samaysnaa qoryo iyo baco, sida ay Barnaamijka Wadaagga SOMA u sheegtay, inkastoo ay carruurteeda u suura gashay in ay kala cararto daadka ka dhashay roobka.
Qoysaska Iisho oo beeraley & xoola dhaqato ku ahaa Tuulada Daanyeereey ee Shabeelaha Dhexe ayaa xustay xoolihii ay ka leysay abaarta, iyagoo ay duleedka Muqdisho kusoo qaadatay in ay soo gaaraan Muddo Todoba maalin ah Bishii Afaraad ee sanadkaan.
Iisho Abuukar iyo carruurteeda oo Afar ka kooban ayaa qorsheyneysa in ay u guurto Xerada Deeq Rabbi ee degmada Dayniile halkaas oo ay haweeney ay asxaab yihiin uga heshay hoy ay si kumeel ah ugu sii noolaadaan, iyada oo ka bixi doonta cida ay dul saarka ku tahay hadda Saddex maalin kaddib.
Maamulka Gobolka Banadir, Hay’adaha gargaarka, & cidkasta oo caawin karta ayey ugu baaqday in ay usoo gurmadaan si ay kaga baxaan xaaladda adag oo ay xilligaan wajahayaan.
“Meeshaan waxaan ku nimid dhib iyo rafaad dad iska dhibaateesan ayaa nahay walina wax nadiif ah oo aan hada hesano maleh waxaa nahay dad dhibatesan ma hesano musqul fiican iyo guri fiican waa cuno ma heesano saaxib ciyaalna waa nahay ilmihii qaarkood waa agoon bac mahesano iyo tawartii oo iska yar waxaa hesano maleh daraad ayaan helnay bac oo iyada xitaa roobka soo daaneyso”
WQ: Waxaa soo diyaariyey Mahad Cabdi oo tirsan Radio Star FM