Daladda Warbaaahinta Soomaaliyed ee SOMA ayaa Maanta Magaalada Baladweyne waxaa ay ka Daah furtay Tababar la xariiro tabinta badqabka Wariyaasha Soomaaliyeed, Waxaana Tababarkan ka qeeyb galay Wariyayaal ka howlgalo xarumaha Warbaahinta Magaalada Baladweyne.
Tababarkan waxaa Daah furay manta Xoghayaha Guud ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan, waxaana Cashirada bixinayay Macalimiin khibrad u leh doorka Badqabka Wariyaasha.
Ujeedka Tababarkan loo qabtay ahaa ah Sida uu sheegay Xoghayaha Guud ee Daladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan, Markii ay bateeyn Halista badqabka Wariyaasha. Weeraradii Ugu dambeeyay ee dhacay waxaa ku geeriyooday Allaha unaxariistee Wariye Maxamed Ciise Koona. Waxaana ku dhawacmay tiro kale oo wariyaal ah, arintaasi ayaa sababtay in kor loo qaado badqabka Wariyaasha.
Tababarkan oo ay ka faa’ideeysteen inka badan 20 Wariye oo ay fulineeysay Dalada Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA, ayaa waxaa taageerayay Hey’adaha kala ah IMS iyo FOJO.