Soomaaliya ayaa 15-kii bishaan Maarso la keenay Shixnadii u horeysay ee Tallaalka Covid-19 iyadoo tallaalkan uu gaarayo illaa 300,000 kun oo doos, waxaana laga soo dejiyey markii ugu horreysay Muqdisho.
Shixnadaan ayaa ahayd qeybtii ugu horeysay ee tallaalka oo noociisu yahay Oxford/Astrazenica, ayadoona durbadii tallalka ay qaateen bahda caafimaad oo safka hore uga jira dadka la tacaalaya covid-19 iyo masuuliyiin.
Waxa jira Dadka qaar oo wali cabsi ka qaba tallaalka, kuwaa oo sabab uga dhigay in dalal badan ay soo diideen Soomaaliyana la keenay, oo aysan isku aamini Karin, iyadoo ka baqaya in xaalado caafimaad darro ay wajahan.
Saalax Maxamuud Naaleeye oo ka mid ah dadka cabsida xooggan ka muujinaya tallaalka qaadashadiisa ayaa sheegaya in uu u baahan yahay sidii uu kaga hortagi lahaa Cudurkan balse uusan dooneyn in uu qaato Tallaalka.
Sababta ugu weyn ayuu ku sheegayaa in uu ka aamin baxay, isagana uu yahay qof dhallinyaro ah oo aan qabin Cudurada Macaanka & Dhiig karka, taas baddelkeed uu sameynayyo tallaabooyinka kale ee looga hortagayo Covid-19.
“Maya ma arkin wali dad talalka qaatay oo xanun kala kulmay taasna waxa sabab u ah dhlinyarada aan ku da da ahayn oo jamacadaha isla dhigano wali isma talalin qof masuul awood uma lihi in aan ka waresto tallaka iyo samaynta uu leyahay”
Somaliland, Puntland, iyo Jubaland ayaa la gaarsiiyey Tallaalkan, iyadoo uu qorshaha yahay in dhammaan maamul goboleedyada la geeyo, si loo siiyo dad da’da ah, & kuwa ka shaqeeya Garoomada Diyaaradaha, Dakedaha, Macallimiinta dowladaha Hoose & dhammaan dadka la isku dhaho safka hore.
Madax Mashruuca Tallaalka ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Mukhtar Abdi Shube ayaa sheegaya in illaa iyo hadda dadka qaatay ay ka badan yihiin tallaalka Laba Kun oo qof, sidoo kalana aysan jirin dhibaato uu leeyahay nuuca tallaal ee dalka lasoo keenay.
Waxa uu tilmaamay in markii hore tallaalka ay cabsi badan ka qabeen bulshada Soomaaliyeed balse wacyi galin badan ay sameyeen kaddib ay ku guuleysteen tirada kabadan Labada kun ay qaataan, taasna ay muujineyso Fahamka dadka & ahmiyada uu u leeyahay Tallaalka.
“Marka intaa soo idil ayaa waxa ay muujinaysaa bulshada inuu yahay talalka mid nadiif ah sidoo kle maadama talalkaan hada aan siinay labo kunoo qof ilaa iyo wax ka badan illaa iyo hadda wax majiraan warbixin ama wax lasoo xiriray wasarada oo sheegaya ama cadenaya in ay wax dhibaato ah kaso gaartay marka waa bilow fiican rajo fiican waxan rajeenena in qofwalboo qaata in uu ahaan doono save wax dhibaato ah uu kala kulmin insha allah waxan hada ahaysanaa wax cad oo cadenaya intalalkan uu yahay mid nadiif ah labo kun haday qaadatay oo waxa dhib ah laga shegin taas waxay umuuqataa Mid aad nadiif u ah Hay’adda caafimaadka aduunkana waa ay cadaysay in uu yahay nadiif bulshadana ay qaadan karto”
Maxamed Xuseen Maclow oo ka mid ah dadka qaatay tallalka ayaa SOMA u sheegay in uu qaatay todobadkan gudihiisa sidoo kale loo sheegay in uu markale soo laabo, si loo siiyo wajiga labaad todobaadka soo socda.
Waxa uu tilmaamay in wel wel iyo cabsi badan uu ka qabay talalka balse marka uu qaatay uu dareemay madax xanuun iyo qandho ilaa 24 sacadood haddase xaaladiisu ay tahay mid fiican.
Maxamed waxa uu markii hore ka walwalsanaa haliska Fayriska Karoonaha, ayaa hadda u muuqda mid aan qabin cabsidaas, maadaamada uu is tallaalay, kaddib talo badan oo ay siiyeen, bahda Caafimaad oo saaxibadiis ah.
“Waxan dhahay talalka ubahanahay covid19 ma iska baarteen haa waan iska baarnay jawaba sugeena waxay tiri jawaabtan nala wadaaga xogaa yara sugnay nus saac jawabtaa noso baxday fariimihii la wadagnay markii danbe waxay dhaheen qofwalba form laga buuxinaya.
Qofwalba su ala lawaydiyay covid19 makugu dhacay aniga sanidkii hore igu dhacay iyo aniga maran isaga shakiyay wan is karantiilay lakiin hada wan ficanahay jqwabtayda waa taas negative lay dhahay qofwalba magaciisa iyo shaqada uu qabta form laga buuxiyay meesha talalka nagaysay qofwalba shahadada laga qaaday wanala talaalay kadib waxa nala dhahay qofwalba mudo labatan ama sodon daqiiqo ha sugo”
Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaa dadaal dheer ugu jirta in qofwalba uu helo talaka iyadoo dadka ugu horeya ee qadanaya ay yihiin dadka da ‘da ah iyo kuwa la nool xanunada ay ka midyihiin sakorowga dhiikarka iyo kuwo kale.
WQ: Shukri Caabi oo Radio Risaala ka tirsan