Munaasabadan Raadiyaa Adduunka waxaa ku dhawaaqay dawaldaha xubnaha ka ah UNESCO sannadkii 2011, waxaana ansaxiyey Golaha Guud Qaramada Midoobay 2012 inay noqoto maalin calami ah, 13 Febraayo waxay noqotay maalinta Raadiya Addunka (World Radio Day).
Halku Dhegga ugu weyn UNESCO ee munaasabadan maalinta Raadiyaha Addunka 2023 waa Raadiyaha iyo Nabadda ('Radio and Peace). Taasna waxaa la go’aamiyey in la muujiyo kaalinta waxku oolka ah iyo isku xirka ee Raadiyaha ka qaato horumarinta Nabadda.
Xoghaya Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan ayaa ugu horeyn ka hadlay Munaasabada Maalinta radiyaha Aduunka 13ka February waxaana uu ka sheekeeyay muhiimada ay leedahay maalinta raadiyaha Aduunka oo qaramada midoobay asteysay.
Mr Makaraan ayaa sheegay in radiyaha uu yahay warbaahinta koobaad ee Soomaaliya marka loo fiiriyo sida ay dadka xagaha ugu helaan Dhulka baadiyaha iyo magaalooyinka qaar.
Farax Cumar Nuur Xoghaya Ururka Federation of Somali Journalists FESOJ ayaa sheegay oo ka hadlay Munaasabada Maalinta Raadiyaha Aduunka ayaa sheegay in Raadiyaha uu muhiimad weyn u leeyahay shacabka soomaaliyeed islamarkaana ay muhiim tahay in la xuso maalinta Raadiyaha Aduunka 13 Feruary isla markaana uu muhiim u yahay in la isticmaalo halku dhiga maalinta raadiyaha aduunka oo ah Nabada raadiyaha #Radio #Peace.
Hanad Cali Guuleed oo ku hadlaayay Afka Ururka Somali Journalists Syndicate – SJS ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ka qeyb galo xuska munaasabadaan maalinta Raadiyaha Aduunka madaama uu ku so hanaqaaday markii uu warbaahinta ku so biiraayay Raadiyo.
Maxamed Cabdi wahaab Cabdulaahi Agaasimaha Warbaahinta Risaala oo kamid ahaa xubnihii ka qeyb galay Munaasabada maalinta radiyaha ayaa ka hadlay caqabadaha haaysta Raadiyayaasha ka howlgala soomaaliya waxana uu sheegay in sharciga saxaafada Soomaaliya ay caqabad badan ka haystaan Warbaahinta gaar ahaan kuwa Raadiyaha, waxaana uu Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay joojiso culeysyada ay ku haayso Warbaahinta
Ugu dambayntii , anigoo ka faa’iidaysanaaya fursadan, waxaan rabaa inanaan si gaar ah ugu mahadceliyo IMS/FOJO taageerada wax ku oolka ah dhanka horumarinta xirfadda iyo bedqabka suxufiyiinta iyo idaacadaha , iyo fulinta barnaamijyada ololaha u qareemidda suxufiyiinta iyo idaacadaha madaxabanaan.
Waxaan hambalyo farxadeed u diraynaa dhamaan idaacadaha Soomaaliyeed oo u dabaal-degaya
malintan qiimaha leh ee Maalinta Raadiyaha Adduunka.
Dhamaad