Munaasabad si heer sare ah loo soo Agaasimay islamarkaana uu soo qaban qaabiyey ururka SOMA ayaa maanta lagu qabay magaalada baydhabo janaay waxaana ka soo qeyb galay kulanaka Wasiirka wasaarada Warfaafinta dowlad goboleedka koongur galbeed soomaaliya mudane Cabdifitaax cali yuusuf, Bulshada Rayidka ah Qeybahooda kala duwan Saxafiyiinta ku dhaqan Magalada baydhabo ,abwaaniin iyo Marti sharaf kale ayaa Waxay ahayd mid loogu xusayey Maalinta Xuriyada Saaxafada Aduunka oo ku beegan 3 Bisha Mey.
Ugu horeyn Gudoomiyaha Ururka SOMA Hilaal sheekh shuceyb ayaa furey Munaasabada 3 May oo ah maalinta Xuriyada Saxaafada, G/miyaha ayaa soo jeediyey Khudbad dheer oo ku saabsan Xuriyada Saxaafada Aduunka Gaar ahaana Somalida. Gudoomiye hilaal sheekh shuceyb ayaa ugu Hambalyeeyey Saxafiyiinta Somaliyed maalinta Xuriyada Saxaafada.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay wasiirka Wasaarada Warfaafinta&wacyigalinta bulshada koonfur galbeed kaa oo sheegey in u aad ugu farax san yahay ka soo qeyb galka Xuska Xuriyada Saxaafada Aduunka isagoona u mahadceliyey Saxafiyiinta Somaliyed.
Qaar ka mid ah khubaradii ka soo qeyb galay ayaa soo dhawayey Xuska Munaasabada Maalinta Saxaafada iyagoona ku dheeraaday muhiimada saxaafada .
Qaar ka mid ah wariyaasha ayaa dhankooda ka hadlay shacuurta Maalinta weyn Ee xuriyada Saxaafada iyagoona sidoo kale Hambalyo u diray Saaxibadooda kale ee ka howl galo Caalamka Gaar ahaan Somaliya.
Maanta oo kale caalamka oo idil ayaa laga xusaa maalinta saxaafada aduunka baydhabona waxay kamid tahay magaalooyinka sida aadka ah looga xusay.
Gudoomiyaha Daladda warbaahinta Soomaaliyeed ee Soma Hilaal shiikh Shuceyn iyo qaar kamid ah dalada warbaahinta ayaa munaasadabada 3 day ka hor kulamo la qaatay Maamulka koofur galbeed Soomaaliya gaar ahaan wasiirka wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigilinta iyo taliyaha qeybta booliska waxaana ay kala hadleen sidii loo yareyn lahaa caqabadaha caqabadaha warbaahinta ka howlgasho deegaanada Maamulka Koofur galbeed.