Dalladda SOMA ayaa manta waxay qabatay xafalad lagu maamuusaayey maalinta Caalamiga ee Raadiyaha aduunka oo ay UNESCO u asteysay 13 Feb in sanad kasta la xuso.
Daladda SOMA ayaa manta waxay xaflad loogu dabaal degaayey maalintaas ku qabatay magaalada Muqdisho, munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa kazoo qayb galay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geele, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Alcadaala, agaasimaha SNTV, Bulshada Rayidka gaar ahaan Daldda SONSA, agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Dowladda Hirshabeele, Ururada Saxaafadda iyo dhamaan bahda Saxaafadda.
Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele oo furay xafladda ayaa uga mahadceliyey dalladda SOMA howlaha wacyigelinta bulshada ee ay u qabtaan bulshada Soomaaliyeed, wasiirka ayaa SOMA ku amaaney midaynta xarumaha warbaahinta eek u kala yaalla magaalooyinka kala fog fog.
Waxaad samayseen dhaqan aan looga baraha saaxafadda kaas oo ah inaad idayseen xarumo warbaahineed eek u kala yaalla magaalooyin kala fog, aadna suura geliseen in hal fariin dhamaan laga wada daayo xarumahaas” ayuu yiri Wasiir Daahir.
Waxaan idinku amaanayaa kaalinta la sheegay ee aad ka qaadateen gurmadki abaarihi dalka soo maray idinkoo isku duuban iyo wacyigelinta dastuurka ee aad si wadajir ah uga qayb qaadateen” ayuu yiri.
Ugu dambayn wasiir Geele ayaa sheegay in wasaaraddu xiriir dhaw la yeelan doonto SOMA ayna kala shaqayn doonaan barnaamijka wacyigelinta bulshada ee wasaaraddu garwadeenka ka tahay.
Xogeeyaha Guud ee SOMA Maxamed Cabduwahab, ayaa soo bandhigay taariikhda SOMA iyo aas aaska SOMA oo ku beegnaa manta oo kale 13 Feb 2013, Xogeyaha ayaa sharaxay waxqabadkii SOMA ee 6 sano ee lasoo dhaafay, waxa uuna sheegay in xubnaha SOMA oo midaysan ay wax badan ka qabteen wacyigelinta bulshada ku nool guud ahaan Soomaaliya.
Xogeyaha wSOMA ayaa sheegay in hadafka loo aas aasay SOMA uu yahay in hal fariin la gaarsiiyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed aydoo loo marsiinaayo xarumaha ku yaalla gobalada Soomaaliya guud ahaan.
Maxamed Cabduwahaab wuxuu soo bandhigay baraamijka wadaaga oo SOMA ay ka baahiso dhammaan xarumaha warbaahinada ku midaysan eek u kala yaalla dhamaan ogbalada Soomaaliya, barnaamijkaas oo looga hadlo nabadaynta, is dhex galka iyo horumarinta bulshada guud ahaan.
xafladda waxaa lagu soo bandhigay dood wadaag (Banal Discussion) lagu soo qaatay mowduucyo kala duwan oo ay soo jeediyeen aqoonyahanno khibarad u leh.
Dooda waxaa qaybinaayey Maxamed Axmed Tuuryare Xogeyaha Barnaamijka wadaaga SOMA waxaana ka qayb qaatay:
- Sh Cumar Xerow oo soo jeediyey: saamaynta wararka been abuurka iyo waxyaabaha ka dhalan kara (Fake News).
- Agaasimah SNTV Libaan Cabdi Cali oo soo jeediyey: side loo dhisi karaa kalsoonida Bulshada ee warbaahinta Soomaaliyeed.
- Xogeyaha Tababarada SOMA Axmed Guutaale, oo soo jeediyey Muhiimada Raadiyaha iyo sida uga qayb qaadan karo nabadaynta dalka.
Waxaa si guud looga hadlay halhayska sanadkan ay u asteysay UNESCO ee ahaa : wadahadal, isqaadasho iyo nabad( Dialogue, Tolerance and Peace), kaasoo laysla gartay inuu yahay halku dhig aad ugu haboon xilligaan gaar ahaan Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa xafladda ka hadlay gudoomiyaha SONSA Cusmaan Muxudiin (Shaatax) oo SOMA ku amaanay shqada ay soo qabteen 6 sano ee lasoo dhaafay uguna hambalyeeyey sanadguurada 6aad kuna dhiiri geliyey inay sii laba laabaan wacyigelinta bulshada ayna isku duubnaadaan si ay guula badan u gaaraan.
Ugu dambayn waxaa xafaladda soo xiray una mahadceliyey kasoo qayb galayaasha xafaladda gudoomiyaha SOMA Maxamed Cusmaan Makaraan, gudoomiyaha ayaa sheegay in manta ay SOMA maalinta Raadiyaha awgeed dhamaan Xubnaha SOMA loo qaybin doono qalabka wax lagu duubo oo xarumaha ka saacidi doona inay cod taya leh duubaan kuna soo bandhigaabn bulshada.
Gabagabada xafaladda xubnaha SOMa ee xafladda joogay waxaa la gudoonsiiyey qalabka wax lagu duubo(MP3s), xubnaha warbaahinada ee aan goobta joogin ama gobalada xarumaha ku leh waxaa la sheegay in loogu gayn doono xarumahooda.
SOMA oo ay ku midaysanyihiin ku dhawaad 40 xarun warbaahineed oo ku kala yaalla Soomaaliya, ayaa sanadkasta qabata xuska maalinta Raadiyaha aduunka