Dalladda warbaahinta SOMA ayaa maanta tababarka bedqabka saxafiyiinta kusoo gaba gabaysay magaalada Baydhabo ee Caasimadda KGM ee koonfur galbeed.
Tababarkaan oo lagu baranayey bedqabka saxafiyiinta ayaa waxaa soo xiray agaasimaha guud ee wadaaradda Warfaafinta Koofur galbeed Cumar Mustafa iyo Xoghayaha guud ee dalladda SOMA Maxamed C/wahaab.
Agaasime Cumar Mustafa ayaa dalladda SOMA uga mahadceliyey inay wariyaasha Koonfur galbeed u qabtaan tababarkan oo muhiim u ahaaa maadaama ay ka shaqeeyaan waddan qatar badan.
“Tababarkaan wuxuu ahaa mid ay aad iyo aad ugu baahnaayeen wariyaasha, waxaan madaxda SOMA ka codsanaynaa inay tababarada nuucaan ah degmooyinka kale ee maamulka Koonfur galbeed ugu qabtaan wariyaasha aan fursad u helin inay Baydhabo yimaadaan” ayuu yiri agaasime Cumar Mustafa.
Xoghayaha SOMA oo gaba gabada tababarka ka hadlay ayaa wariyaasha kula dardaarmay inay waxa ay barteen usii gudbiyaan saaxiibadood aan helin fursaddan si ay khataraha badan isaga ilaaliyaan.
“Waxaan xoogga saareynaa sidii aan xirfadda wariyaasha iyo amnigooda u kordhin lahayn, waxaana uga mahad celinaynaa hay’adda IMS taageerada ay nagu siinayso sidii aan artintaas u fulin lahayn” ayuu yiri xoghayaha SOMA.
Gaba-gabadii tababarka waxaa shahaadooyon la guddoonsiiyey wariyaasha ka qayb galay tabarka, waxaana si wadajir ah u guddoonsiiyey Agaasimaha Wasaaradda warfaafinta KGS xoghayaha SOMA, iyo guddoomiyaha SOMA.









