Qiyaastii 200 oo milyan oo isugu jira gabdho iyo haween ku nool caalamka ayaa maray nooc ka mid ah gudniinka, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay. Gudniinka ayaa sababi kara dhibaatooyin dhinaca jirka iyo maskaxdaba ah, kuwaasoo saameyn ku yeelan kara aayaha dambe ee haweeneyda.
QM ayaa dalbaneysaa in la joojiyo gudniinka, waxayna u asteysay maalinta dhammaadka dulqaadka gudniinka gabdhaha, oo ku beegan 6-da bisha Februay, iyadoo dalkeena uu kamid yahay wadamada uu gudniinka sida xooggan uga jiro.
Drs Naciima Maxamed Cabdulle oo hormuud u ah dhallinyaro iskood isu abaabulay ayaa Muqdisho iyo duleedkeeda ka wada in ay dadka ka wacyigaliyaan gudniinka gabdhaha iyagoo ku guuleysatay in ay joojiyaan kiisas la xiriira gudniinka kaddib markii ay fahamsiiyeen dhibaatadiisa waalidiinta dhalay.
Drs Naciima ayaan marka hore weydiiyey waxa uu yahay gudniinka gabdhaha & sababta loo sameeyo?
Halkaan ka dhageyso wareysiga Drs-da