Magaalada Guriceel ee Galgaduud waxaa 11 bishii Sideedaad ee sanadkan, laga furay suuq weyn oo loogu talagalay in lagu iibiyo Xoolaha, gaar ahaan Ariga iyo Lo’da oo aan horay Magaalada uga jirin.
Markii hore dadku waxa ay xoolaha ku iibin jireen Meel biyo dageen ah, oo markii uu roob da’o ay adkeyd in lagu sii shaqeeyo.
Waa darbi wareeg ah, oo ay ku dhex dhisan yihiin Xaafiisyo lagu qaado canshuuraha, meelo lagu keydiyo Dalaga la siiyo xoolaha, meelo lagu baaro Caafimadka xoolaha la iibinayo sidoo kale waxa uu leeyahy Waastooyin ay xooluhu biyaha ka cabaan, iyo macjarkii xoolaha laga rari lahaa.
Xasan Cabdi waxa uu Lix neef oo ari ah uga soo safarsaday Suuqan meel 50KM u jirta Magaalada, si uu iibsado, waxa ay ku qaadatay in uu soo gaaro suuqan mudo ku siman Laba saacadood.
Waxa uu sheegayaa in uu ka helay suuqa goob uu ku nasto inta ay xoolahu u gadmataan.
Xasan oo Saddex kamida Lixdii neef uu ku iibiyey lacag u dhaxeysa Todobaatan ilaa Todobaatan iyo Shan dollar uu midkiiba ku iibsaday, ayaa noo sheegay in uusan wax isbadel ah ku imaan Canshuurta oo markiiba horaba ahayd 25 Sinti neefkiiba.
“Waxaan kasoo safray meel Guriceel u jirta 50km, waxaan soo socday Laba ilaa Saddex saac, 6 Need oo Ari ah ayaan keenay Suuqa, Saddex kamid ah waxaan siistay lacag u dhexeysa 70 ilaa 75. Suuqan iyo kii hore waxaaa u dhexeeye farqi weyn Suuqii hore waxa uu ahaa meel Haabaas ah oo an laheyn meel lagu nasto ma jiraan weli wax Canshuur ah oo la kordhiyay markii hore neefkii waxaa lagu canshuuri jiray 0.25 welina waa sidii”. Ayuu yiri Xasan.
Dhismaha suuqan waxaa iska kaashaday Bulshada deeganka Hay’adda NRC, iyada oo mashruucan ay maagalineysa UK AID. Dhulka uu ku fadhiyo suuqa waxaa lacago la’iska aruuriyey ku iibsaday bulshada deegaanka.
Guuleed Cabdi Axmed oo ah Agaasima suuqan ayaa sheegaya in Suuqa faa’iidada ay ka helayaan ay tahay in xoolaha aan maaalintii la iibsan ay dadku u helayaan meel ay ku hoydaan, sidoo kalana ay dadku ku ogaan karaa Caafimaadka xoolahooda, iyada oo aan wax lacag ah laga qaadin.
Agaasimuhu waxa uu sidoo kale sheegayaa in Suuqa xagga waqtiga shaqada ka duwan yahay kii hore. Laga bilaabo Sagalka Subaxnimo ilaa Afarta Galabnimo, halka suqii hore dadka ay ka tagi jireen Laba iyo Tobonka Duhur oo ay dadku aadi jireen, suuq kale oo ku yaala bartamaha Magaalada.
“Suuqu waxa uu leyahay hoolal waa weyn oo loogu talagalay in xoolaha lagu iibiyo, waxa kale oo uu leeyahay hoolal kale oo loogu talagalay in lagu xareeyo xoolaha la iibiyo, hoolkaas oo kale qeyb qeyb ayuu u qeybsan yahay. Xoolaha waa weyn, kuwa yaryarka ah, kuwa dhoofka ah, iyo kuwa aan dhoofka ahayn. Waxaa jirta Meelihii Xoolaha Calafka loogu keydin lahaa. Waxa uu shaqo bilabaa Sagalka Subaxnimo ilaa Tobanka Galabnimo, halka kii hore dadku ka tegin jiren Laba iyo Tobanka Duhurnimo oo ay isugu tegi jireen suuq ku yaala bartamaha magalada ah, waxa uu leyahay meelo lagu baaro Xoolaha la keenayo caafimadkooda sidoo kale waxaan tala bixin caafimad ka sinaa dadka reer guuraga ah”. Ayuu yiri Agaasine Guuleed.
Faarax Yaame oo kamid ah dalaaleyda Suuqan ayaa SOMA u sheegay in Suuqan uu dadka iyo xoolahaba anfacayo, maadaama ay helayaan meelo harsin ah, oo ay ka galaan Qoraxda.
Waxa uu sidoo kale sheegayaa in dadka xoolaha u iib keena Suuqa aysan ka lumeynin, maadaama uu darbi ku wareegsan yahay.
Dadka dallaaleyda ah waxaa ay xirteen, dhar gaar u ah oo ay u keentay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Galmudug, taas oo ka sooceysa dadka kale sidoo uu ii sheegay Faarax.
“Suuqaan waa uu ka fiican yahay, kii hore, Xeendaab ayuu leeyahay, Kii hore Xoolaha waa lumi jireen, waxa uu leeyahay Xafiisyo, meelo Xooluhu biyo ka cabaan, Meelo laga raro Xoolaha. Inaga ka dalal ahaan waxa ay wasaarada noo sameysay dhar gaar ah, si dadka kale noogala aqoonsado, sidoo kale Kaar, si amniga xitaa loo sugo”. Faarax Yaame oo noo waramayey ayaa yiri.
Dhismaha suuqan oo la bilaabay dhamaadkii April 2019, ayaa xariga laga jaray horaantii bishii July ee sanadkan.
Wasarada Xanaanada Xoolaha Galmudug ayaa beenisay in suuqa uu xirnaa tan iyo xilligaas sababo la xiriira, in lacagta Canshuurta ah lagu kordhiyey dadka.
Ismaciil Cabdi Ibraahim oo ka tirsan Wasarada ayaa sheegaya in sababo ay kamid tahay deegaanka oo isbedel maamul ka dhacay, uu suuqa furitaankiisa dib u dhigtay.
“Suuqaan waa suuq si Casri ah loo dhisay, oo loogu tala galay in dadku, ka faa’iideystaan waxanaa Mashruuca fuliyay Hay’adda NRC, maalgalinta waxaa lahaa Uk Aid. In dib dhac uu ku yimaado furitanka suuqa waxaa Sabab u ah Maamulka oo is bedelay iyo Dadka oo aan Ogeyn muhiimada uu leeyahaySuuqa”. Ayuu yiri Ismaciil Cabdi.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu raaciyey “Waxaa loogu talagalay Suuqa in lagu iibiyo Ariga iyo Lo’da oo kaliya. Waxaan kuu sheegayaa ma jiraan wax CanShuur ah oo lagu kordhiyey ama laga dhimay dadka xitaa hal Sinti”.
W/Q: Maxamed Axmed Socdaal oo ka tirsan Radio Galgaduud.