Shirka golaha guud ee SOMA, oo socon doona muddo laba cishoo ah oo maanta ka billaabaneysa ayaa waxa ay madaxda, agaasimeyaasha iyo tifaftirayaasha ka qaybgalay uga hadleen guulaha ay gaareen xubnaha SOMA iyo caqabadaha ka horyimid shaqada iyo tayadaba.

Qaar katirsan madaxda xubnaha SOMA ee gobolada& Muqdisho
Waxa looga dooday kulankan dib u eegidda dastuurka SOMA, xeer hoosaadka Dalladda, Barnaamijka Wadaag oo ah barnaamij ay xubnaha SOMA si wada jir ah u soosaaraan iyaga oo kaashanaya Raadiyaha arrimaha baniโaadminimada ee Ergo.


waxaa Shirweynahaa furay Ku Simaha gudoomiyaha SOMA Maxamed Cismaan Makaraan , waxaana uu sheegey in Shirweynaha looga hadli doona sidii Warbaahinta kumideysan SOMA ay isaga Kaashan lahayd Horumarinta xarumaha, shaqaalaha iyo tayada baahintaย .
โMaanta waxaan u Fadhinaa sidii Xubaha ku mideysan SOMA ay wax uga badeli lahaayeen islamarkaana waxa ugu dari lahaayeen Xeerkaย Ururka sidoo kale waxaa Shirweynahaan uu u noqon doonaa mid balaaran oo ay xubno ka noqon doonaaย Telefishinada, Wargeysyada iyo Web-Site-yadaโ sidaa waxaa yiriย Ku simaha GudoomiyahaSOMA mudane Makaraan .



Goalaha guud ee SOMA ayaa si wanaagsan uga dooday Dibu eegidda dastuurka SOMA iyo xeer-hoosadaka (Regulation) oo labaduba ay kaalin fiican ka qaadan doonaan horumarinta tayada baahineed iyo awoodda isgaarsiineed ee SOMA.
Sidoo kale Shirweynahaasย ayaaย waxaa looga hadli doonaa sidii loo balaarin lahaa Barnaamijka WADAAG oo ayย Baahin jireen Qaar ka mid ah Idaacadaha ku mideysan SOMA, waxaana la filyaa in Shirweynhaas lagu xulo Idaacado kale oo baahiya Barnaamjkaasย waxaana Shirweynahaas lagu soo bandhigi doonaaย Buug si weyn uga hadlaya Badqabka Wariyaha waxaana la filyaa in Berri oo ay Bisha tahay 15 la soo gabagabeyn doonaa Shirweynhaas
Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) ayaa sanadkan sameyneysa isbeddel weyn oo ku wajahan baahsanaanta iyo dhisamaha tayada iyo qalabka xarumaha kuย mideysan.
Xubanaha SOMA ee ka yimid Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofurgalbeed iyo Hirshabeelle ayaa si weyn u muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin kaalinta firfircoon ee Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) ka qaadatay hagaajinta iyo xiriirka ay SOMA la leedahay ururada kale ee dalka iyo kuwa adduunka ee ka shaqeeya horumarinta warbaahinta.