Nabadda waxa ugu horreeya ee qofka doonayo in uu helo, iyada oo ka shaqeynteeduna u siman yihiin dhalinyarada, haweenka, odayaasha iyo culimaa-u-diinka, dawladda hoose iyo saraakiisha bilayska/caddaaladda iyo cidkastaba.
Nabadda waa Xayn-daabka Horumarineed, oo ay tahay in si wadajir ah loo ilaaliyo, iyadoo sidoo kale ay Diinta ahmiyad siisay dhowrida Nabadda.
Dhinaca Diintu waxa ay xoojisay Cadaaladda oo ah mowduuc aad u weyn, taa oo xiriir la yeelanaysa dhaqaalaha, bulshada, hogaanka iyo kuwa kale, waana laf-dhabarta dhismaha & jiritaanka shaqsi, qoys iyo qowmiyadba.
Maxamed Axmed Socdaal oo sugan Guriceel kana tirsan Radio Galgaduud, ayaa ka wareysatay Sheikh Macallin Maxamuud Jimcaale sida ay isugu xiran yihiin Cadaaladda & Nabadgalyada.
Halkan ka dhageyso Wareysiga:-