MUQDISHO-Axad 18 -June-2023 Tababarkan maanta uga furay Magaalada Muqdisho 30 tafaftire oo ka kala socday warbaahino kale duwan ayaa waxa uu socondoonaa mudo sadax maalin ah kaas oo lagu baran doono Badqabka wariyaha.
Xoghayaha Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan oo ka hadlay furitaanka Tababarka ayaa sheegay in tabababrkan uu ka duwan yahay tababarada kale xoogana ay ku saarayaan sidii wariyaha marka koobaad badqabkiisa uu ugu fikiri lahaa islamarkaasna bulshada uu ugu gudbin lahaa xog dhan walba ka dhamaystiran.
Ugu danbayn Tababarkan ayaa la filayaa in tafaftirayaasha aqoonta ay tababarkan ka korarsadeen ay ku celiyaan xarumaha warbaahinadooda kala duwan.