Dadka beeraleyda ah ee ku nool Degmada Wanlaweyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose qaarkood ayaa ka badbaaday Khasaarihii ku imaan jiray beertooda kaddib wacyigalin & tababaro badan oo ay ka heleen aqoonyahano ku wanaagsan beeraha, kuwaas oo ku midoobay Dallad magaceeda la yiraahdo Durdur.
Ismaaciil Rooble oo leh beer 28 Hector ayaa sheegay in Dalladaan inta uusan soo galin uu la kulmay labo fasal khasaaro soo gaaray beertiisa, kaddib abaaro iyo Ayaxa si daran u xaalufiyey beertiisa, isagana ay xitaa ay ku adkaatay in uu helo buufin & abuur wanaagsan, maadaama uu Ayaxa Korokoro uu kaga tagay beerta.
Waxa uu tilmaamay in tababaro ay siiyeen Dallada Durdur bishii July ee sanadkii hore ay ka saaciday in uu helo Abuur ku habboon beertiisa, isaga oo xitaa lagula taliyey nuuca dalag ee u wanaagsan inuu beerto, taas oo keentay in ugu dambeyn uu suuq u helo Sisintii uu beeray oo markii hore ku adkaa in uu suuq u helo.
Ismaaciil oo in kabadan 20 sano ahaa Beeraley ayaa Dallaada Dur-dur ku biiray sanadkii 2020-kii, kaddib markii uu rag saaxibadii ah u sheegeen in ay jirto fursad u wanaagsan beertiisa, oo la helayo Abuurka, Buufinta, Talooyin & Tababaro la xiriira beerashada, khidmad yarna laga rabo sanadkii, isagana uu go’aansaday inuu kamid noqdo, maadaama uu u arkay mid u fiican wax soo saarkiisa.
“Barnaamijkaan Dallada dad ka faa’iiday way jiraan dad markii hore lahaa hal beer oo laba fasal camal wax fiican uga soo baxeen ayaa berahooda beero ku darsaday waxay hadda leeyihiin labo labo beer fasal walbo dalageda sida uu noqdo ayey ku xerantahay marna dhulka oo dhan haddii ay wax ku baxaan dalaga qiimihiisa hoos ayuu noqdaa haddii meelo qaar ay wax ka baxaana dalaga soo go’ay qaali ayuu noqda hadba waxaa ay ku xerantahay xilliga markii hore beerta waan abuuri jirnay ilaa ay kasoo go’ dana waan sugi jirnay dalada waxay na bartay in beerta kushiimo lasiiyo daawooyin cayayaanka dilaayo taasna waxaan ka aragnay wax soo saarka oo kor u kacay dadka kali kaliga wax utacbo inay iskaashatoyin ay sameyan iyo dalad ayna kamid noqdaaan iskaashatoyin wax badan ayy ka faa’iidayaan”.
Gudoomiye ku xigeenka Dallaada Dur-Dur Mustaf Aadan Xasan ayaa SOMA u sheegay in tan iyo 2019-kii ay ka wadeen howsha la xiriirta badbaadinta dalagyada beeraleyda Degmada Wanlaweyn & deegaanada hoos yimaada. Waxa uu sheegay in marka hore ay beeraleyda kusoo biiraan Iskaashato, kaddibna ay iyagu hoos timaado.
Waxa uu tilmaamay in ay haystaan khuburo beeraha ah oo dadka u sheegay sida ay beertooda u yeelan karto wax soo saar fiican, sidoo kalana ay u sheegaan xulista dalaga labeeraayo iyo xiliga lajoogo hadba midka ku haboon, dawooyin caawinaya abuurka, ilaa iib geynta dalagyada ay soo saartaan xubnaha ku midoobay Dalladan.
Mustaf ayaa xusay in ka dhaadhicinta dadka inay kusoo biiraan ay waqti badan ku qaadatay, maadaama aysan dadku deegaanka aysan horey u arkin Dallad sidaan ah, balse dadka ugu badan oo ay marki hore xoogga saareen ay ahaayeen dhallinyarada beeraha ka shaqeeya, oo u fududeeyey in ay dadka waa weyn gaarsiiyaan farriintooda.
Waxa uu sheegay dadka beeraleyda ah marka uu usoo go’o dalagayada ay beereteen u sameeyaan suuq geyn, maadaama ay iyagu ku xiran yihiin Ganacsato joogta Magaalooyinka dalka oo ay mid tahay Muqdisho, iyaga oo aan dadka galin safari, rajo wanaagsanna ay ka qabaan in Gobollada kale ee dalka ay gaarsiiyaan adeegaan.
“Beertu waxaa ay leedahay gudi iibgeyn gudi maaliyadeed iyo gudi kormeer guddiga iibgeynta beerta marku dalageda soo go o shaqadooda ayaga ayaa qabsanaya Xamar meel Xoosh ku taalo qolo sisinta dhoofiso meelaas o okale ayey la xiriirayaan iibgeynta ayaa ku shaqo leh mustaqbalkana waxaan rajeyneyna inay hey’adaha na aqoonsadaan inaan makiinado helno beeraha aanku jibino daawooyinka si aan wax soo saarkeena kor ugu qaadno gacmo shisheyana ugu maarano”.
Maxamed Shariif iyo qoyskiisa oo dhowr iyo toban sano ku tiirsan beer ay leeyihiin ayaa aad ugu faraxsan in uu helo tababar nuucaan markii ugu horreeysay noloshiisa inta uu shaqadaan qabanaayo.
Waxa uu tilmaamay in waxyaabo uu isaga caadi ka dhigan jiray loo sheegay in ay dhibaato ku yihiin bixitaanka beerta, taas oo uu joojiyey bishii March ee sanadkii 2020-kii, kaddib tababar u socday muddo Afar maalin ah.
Waxa uu xusay Maxamed in hadda ay dareemayaan is baddal wax soo saar fiican ah, laakin wali waxa uu tabayaa waxyaabo ay kamid yihiin Matoorka Biyaha oo muhiim u ah beeraleyda, maadaama ay ku hadda ku tiirsan yihiin kaliya xilli roobaadka.
“Wallaahi wax weyn beerto aan la caragedinin lla ged qaadin waxba lagama helaayo hadii raxmad ay timaado si loogu qado waa gaabad sida aan hada uguso biiray isbadal fiican ayaan arkay sababtoo ah hada aniga ayaaba dadka ufaa ideynaayo sida dalagyada loo tacbaayo sida loo kala asturo aniga ayaaba qibrad weyn ka dhexqaatay”.
WQ: Maxamed Cabdiraxmaan oo ka tirsan Radio Wanlaweyn