Mogadishu, Jimco, December 9, 2022: Waxaa la soo gaba-gabeeyay shir golaha fulinta daladda warbaahinta ee SOMA uga socday magaalada Muqdisho 7ilaa;8 December, 2022.
Shirkaan oo ay goob joog ahaayeen dhammaan xubnaha golaha fulunta ee SOMA ayaa ujeedkiisu ahaa in la iska wareysto waxyaabihii u qabsoomay, guulihii dalladda ay gaartay sannadkan dhammadka ah iyo qorshaha sannadka soo socda ee 2023.
Sidoo kale shirka ayaa looga hadlay tacadiyada ka dhanka ah , Xuquuqda aadanaha, Warbaahinta iyo Wariyeyaasha kuwaa soo inta badan ka yimaada Maamul goboleedyada,Laamaha ammaanka DFS, Kooxaha ka soo hor jeeda Dowladda iyo cid kasta oo ku kacda falsharciga baal marsan.
Gaba-gabada shirka ayaa laga soo saaray qodobadaan:
1- In sare loo qaado xirfada iyo aqoonta suxufiyiinta warbaahinta SOMA ku mideysan.
2- In wadajir looga shaqeeyo horumarinta warbaahinta Soomaaliyeed gaar ahaa kuwa ku mideysan dalladda SOMA.
Dhinaca kale goalaha fulinta ayaa cambaareeyay tacadigii iyo xarigii loo geystay xubnihii SJS ka tirsanaa ee Beydhabo lagu xiray, waxaana laga soo saaray shirkaas qodobado ay ka mid yihiin:
1- In xoriyadiisa si buuxda loo siiyo xog-hayaha SJS Cabdala Muuhin.
2- In la joojiyo tacadiyada loo geysto warbaahinta iyo wariyaha.
3- In lala xisaabtamo dadkii geystay xad-gudubyada ka dhanka ah warbaahinta.
4- In muwaadiniinta ay u wada sinaadaan garsoorka iyo caddaaladda.
Shirkaan ayaa ah mid sanad walba dhammaadkiisa ay isugu yimaadaan golaha fulinta ee dalladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA.
Dhamaad