Nidaamka awood qeybsiga 4.5 oo ay Soomaalidu heshiis ku ahayd ku dhawaad 20-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaana ay ahayd shirkii geedi-socodka nabada Soomaaliya ee Carte (2000).
Iyadoon aan lagu dheeraan ujeedada ay ku timid nidaamka hirgalay ee 4.5, xusuusin waxaa mudan in ay jireen, xiligaa abuuris, qorshe iyo tabo ka duwan mida maanta hirgashay ee 4.5, isla mar ahaantaana si aan hubsiimo leheyn ama aan loo aabo yeelin meel leysaga tuurey.
Dhammaan bulsho weynta Soomaaliyeed waxay si isku mida u tuhuntey islana garatey xog-la’aanta nimaadkan uu ku suleysan yahay.
Hadaba Maxamed Qadar Cabdi oo ka tirsan Radio Himilo ayaa ka wareystay Xildhibaan hore haddase ah Gudoomiye ku xigeen ka 1-aad ee Xisbiga Midnimo Qaran Ibrahim Saalax Deyfullah Sida looga gudbi karo Nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5.
Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga oo dhammeystiran