Sabti 1 June 2023 Tababarkan ay Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA maanta ku so gabagabeysay Magaalada Cadaado ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa waxaa lagu baranayay tabinta Wararka Arimaha Bulshada.
20 Suxufi oo laga kala keenay Magaalooyinka Dhuusamareeb caabud waaq Guraceel gaalkacyo iyo Galdogob ee Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ka faaideystay tababarkan mudaddii uu socday.
Xoghayaha Daladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Mahamed Osman Makaran oo ka hadlay Gabagabadii Tababarka ayaa bogaadiyay suxufiyiintii ka faaideystay Tababarka waxaana uu kula dardaarmay in aqoonta ay barteen ay ku dabaqaan xarumihii warbaahinta ay ka yimideen.
Qaar kamid ah suxufiyiintii ka qeyb galay tababarka ayaa sheegay in ay waxbadan ka faaideen tababarka la xiriiray tabinta Wararka Arimaha Bulshada waxaana ay balan qaadeen in ay dib markii ay ugu laaban doonaan xarumahooda ay la wadaagi doonaan howlwadenada ka howlgalo xarumaha ay ka yimideen.
Tababarkan oo socday Mudo sadax Cisho ah ayaa waxaa ay Daladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ugu talagashay in ay kor u qaado aqoonta suxufiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan wararka la xiriiro Tabinta Wararka arimaha Bulshada.