Sabti, Janaayo, 30, 2021.
Tabbarkan oo ku saabsan tabinta doorashooyinka iyo badqabka Wariyaha ayaa waxa u socondoono mudo 4 maalin ah waxaa ka qeyb galaayo 20 wariyaye oo ka kala socdo warbaahinta Madaxa Banaan iyo kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland gaar ahaan Magaalada Kismaayo.
Gudoomiyaha Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan ayaa ugu horeyn ka hadlay ujeedadad tababarka iyo tirada wariyayaasha ka Faaideysanaayo Waxana uu u mahad celiyay Hay’adaha IMS Iyo FOJO oo gacan ka siiyay SOMA in ay tababaran ku qabato Magaalada Kismaayo.
Maxamed Cismaan Makaraan ayaa uga mahadceliyey dhamaan intii gacan ka geysatay in Tababarkan maanta uu ka furmay Magaalada Kismaayo ,waxana uu si gaar ah ugu mahad celiyay Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta Dowlad Goboleedka Jubbalnd iyo Bahda Wariyayaasha Kismaayo.
Agaasimaha Waaxda warfaafinta ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdi casiis Gacal Xasan oo ku hadlaayay Afka wasaarada warfaafinta Jubbland ayaa u mahadceliyay Dalladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA sida wanaagsan oo ay ugu gara tay in warbaahinta madaxa banana la siiyo fursad lagu tababaro.
Xildhibaan Dr shire Cabdi Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ka so qeyb galay Furitaanka Tababarka ayaa marka hore u mahadceliyay Dallada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA iyo Hay’adaha IMS Iyo FOJO oo taageerayo Tababarkan.
Mr shire ayaa ka haday muhiimada uu leeyahay tababarkan madaama lagu so beegay xili uu dalka galaayo doorasho waxana uu sigaar ah ula dardaarmay wariyayaasha ka faaideysanaayo tababarka mudad 4ta maalin.
Sidoo kale munaasabada Furitaanka Tababarka waxaa goobjoog ka ahaa xoghayaha guud ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo masuuliyiin kale
Tababarkan maanta ay Dallada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ka furtay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu qeyb ka yahay tababaro xiriir ah oo ay SOMA ugu tala gashay in kor loogu qaado Aqoonta wariyayaasha Soomaaliyeed.