Tabbarkan oo ku saabsan tabinta doorashooyinka iyo badqabka Wariyaha ayaa waxa u socondoono mudo 4 maalin ah waxaa ka qeyb galaayo 20 wariyaye oo ka kala socdo dagmooyinka Dowlad Goboleedka Hirshabelle sida Magaalooyinka Baladweyne Balcad iyo Jowhar.
Gudoomiyaha Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan ayaa ugu horeyn ka hadlay ujeedadad tababarka iyo tirada wariyayaasha ka Faaideysanaayo iyo deegaanada ay ka kala yimaadeen. Waxana uu makaraan u mahad celiyay Hay’adaha IMS Iyo FOJO oo gacan ka siiyay SOMA in ay tababaran ku qabato dalka.
Maxamed Cismaan Makaraan ayaa uga mahadceliyey dhamaan intii gacan ka geysatay in Tababarkan maanta uu ka furmo Magaalada Jowhar ,waxana uu si gaar ah ugu mahad celiyay Wasiirka Dowlaha Wasaarada Warfaafinta Dowlad Goboleedka Hir-shabelle iyo Bahda Wariyayaasha Jowhar sida wanaagsan ee ay uga qeyb galay barnaamijka iyo soo dhaweynta Wasiirka Madaxda SOMA u muujiyey.
Ibraahin Cali Nuur Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Gobolka Sh/dhaxe ayaa so dhaweyay tababarka maanta ay magaalada Jowhar ka furtay Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA waxana uu intaa raaciyay in ay baahi weyn u qabeen tababarkan.
Gudoomiyaha Dagmada Jowhar Cismaan Baarey ayaa u mahadceliyay Dalladda Warbaahinta Soomaaliyed SOMA sida ay uga qeyb qaadaneyso sara u qaadidad aqoonta wariyayaasha Soomaaliyeed madaama ay SOMA ay tababaro kor loogu qadaayo aqoonta suxufiyiinta ay ku qabaneyso Magaalooyinka Caasimadaha u ah Dowlad Goboleedyada Dalka.
Wasiirka Dowlaha Wasaarada Warfaafinta Dowlad Goboleedka Hir-shabelle Maxamed Axmed Kolonbo oo maanta furay tababarka ayaa siweyn ugu mahadceliyay Dalladda Warbaahinta Soomaaliyed,iyo Hayadaha Kaalmeynaayo ee IMS iyo FOJO.
Wasiirka ayaa wariyaasha kula dardaaramay iney ka faa,iideystaan tababarkan kor loogu ku saabsan habka Tabinta Doorashooyinka Iyo Badqabka Wariyaha madaama dalka hada uu galaayo Doorasho.
Tababarkan ay so qaban qaabisay Dalladda Warbaahinta Soomaaliyed SOMA ayaa waxaa lagu wadaa in lagu qabto dhamaan Magaalooyinka Caasimadaha u ah Dowlad Goboleedyada Dalka waxana qabsoomida Tababaradaan gacan ka geystay Hay’adaha IMS Iyo FOJO.