Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa caasimadda DG Galmudug kusoo xirtay tababarka Bedqabka Suxufiyiinta & tebinta Doorashooyinka oo ay kaqaybgaleen 20 Suxufi oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal kuwaas oo kakala yimid Magaalooyinka Caabudwaaq, Guriceel, Cadaado, Gaalkacyo iyo Dhusamarreeb.
Kaqyabgelayaasha ayaa ku dersay Tababarkan Cashirro la xiriira Badqabka Suxufiga, tebinta Doorashooyinka, Kaalinta Warbaahinta ee Bulshada iyo Waxtarka Warbaahin madax-bannaan oo Mas’uul u leedahay Dadweynaha.
Suxufiyiinta ayaa ku qaatay tababarkan casharo gacanta laga qabanayo oo la xiriira Bedqabka Saxafiga iyo gargaarka degdegga ah, kuwaas oo lagu barayey Tabaha iyo farsamada bedqabka ee Suxufiga xilliga uu kujiro shaqada.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Ahmed Shire Falagle oo kaqaybgalaya furitaanka tababarka 13-Febraury-2021 islamarkaana xaadiray munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa Suxufiyiinta kala hadlay Habsocodka Doorashooyinka iyo caqabadaha taagan, wasiir Falagle ayaa ka jawaabay Su’aalo ay kaqaybgalayaashu weydiiyeen oo intooda badan la xiriiray doorashooyinka.
Madaxa Tababarada SOMA Axmed Ciise Guutaale oo ka hadalay munaasabadda xiritaanka tababarla ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Warfaafinta DG Galmudug sida Wanaagsan ee ay u fududeysay tababarka bedqabka Suxufiyiinta & tebinta Doorashooyinka
Agaasimayaasha Xarumaha Warbaahinta ee SOMA ee kahowlgala Dhuusamareeb iyo Gudoomiye ku xigeenka FESOJ Abdifatah Hassan Farah oo kaqaybgalay munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa uga mahadceliyey SOMA sida ay isugu howshay in xarumaha xubnaha ka ah SOMA ee Dowlad-goboleedyada la gaarsiiyo Tababar iyo horumuarinta xirafadda.