Muqdisho :May 02, 2023 Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA waxaa ay ka xuntahay falkii foosha xumaa ee ay ku ka ceen Ciidamo ka amar qaato agaasimaha waaxda nadaafada iyo bilic soo celinta gobolka Banaadir Maxamed Suudi kuwaas oo jir dil xoogan u geystay Afar suxufi oo ka howlgalo Magaalada Muqdisho.
Ciidamo ka amar qaata agaasimaha waaxda nadaafadda iyo bilic soo celinta gobolka Banaadir, Maxamed Suudi ayaa maanta jir-dil xoogan u geystay Afar wariye oo ka kala tirsan Telefishinada Shabelle iyo Universal ee magaalada Muqdisho.
Wariyayaashan oo gacan ka hadal kala kulmay Ciidamo uu watay Maxamed Suudi ayaa kala ah Zakariye Axmed Muuse iyo Mahad Xasan Cabdi Tawakal oo tirsan Shabelle TV.
Sidoo kale ciidamada ayaa jir-dilay Cabdirisaaq Maxamuud Jaamac (Maqosle) iyo Sadde Cabdi Tahliil oo iyagane ka tirsan Tvga Universal xaruntiisa Magaalada Muqdisho.
Amarka lagu dhibaateeyay suxufiyiinta waxaa bixiyay agaasimaha waaxda nadaafada iyo bilic soo celinta gobolka Banaadir Maxamed Suudi sida ay I noosheegeen Suxufiyiintii la dhibaateeyay.
Daladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA waxa ay maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiinta Dowladda ugu baaqeysaa in ay ka jawaabaan dhibaatadada loo geystay Suxufiyiinta lagu dhibaateeyay isgooyska Fagax ee Magaalada Muqdisho.