Dalladda Warbaahinta Soomalaiyeed (Somali Media Association) oo ay ku mideysan yihiin xarumo warbaahineed oo ka howlgala Koofurta & Bartamaha Soomaaliya kana diiwaangashan Wasaaradda Warfaafinta kana howlgasha Muqdisho iyo Dowladgoboleedyada Soomaaliyeed waxa ay ka walaacsan tahay sida loo maamulayo loona maareynayo tartanka Barnaamijka Wacyigelinta Dastuurka Soomaaliya.
Waxa aan ka xunnahay in tartanka baahinta Wacyigelinta Dastuurka ay wasaaradda Dastuurku ku bixineyso hab qabyaalad iyo kooxeysi taas oo baal marsan hannaanka u tartamidda mashaariicda dowladda halkii ay sheegtay in si xor ah oo Daahfuran ay warbaahintu ugu tartami karto taas oo wax weyn u dhibeysa sumcadda iyo daahfurnaanta wasaaradda Dastuurka.
Waxa aan aad uga welwelsanahay in Agaasimaha Wasaaradda Maxamed Abuukar Zubeyr iyo Xubno sare oo katirsan Dowlada soomaaliya ay kulug leeyihiin xulashada Warbaahinta u tartantameysa Baahainta Waceyigelinta Dastuurka Soomaaliya.
Waxa aan walbahaar ballaaran kaqabnaa kana digeynaa in hay’addo ay madaxka yihiin rag ka tirsan Dowlada Soomaaliya kuwaas oo ah hay’ad wax soo saar balse aan lahayn Raadiye iyo Telefeshin midna lagayaabo in ay noqoto hay’adda ay agaasimaha Wasaaradda Dastuurka iyo mas’uulka sare ee katirsan Dowlada soomaaliya ay la rabaan in ay qaadato Barnaamijka baahinta Wacyigelinta Dastuurka
Soo jeedin:
Innaga oo xushmo u hayna wasaaradda Dastuurka waxa aan u soo jeedineynaa Baarlamanaka, xafiiska Raisalwasaaruha iyo Barnaamijka horumarinta Qaramada midoobey (UNDP) in ay u kuurgalaan sida loo maamulayo u tartamidda mshaariicda dowladda iyo daahfurnaanta madaxa maamuleysa sida Wasaaradda Dastuurka iyo Barnamaijka Wacyigelinta Baahinta Dastuurka Soomaaliya
Dhamaad