๐๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐๐ ๐ฐ๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ ๐๐ฒ๐๐ ๐ฆ๐๐๐ง๐ญ๐ ๐ญ๐๐๐๐๐๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐-๐ช๐๐๐ค๐ ๐ฌ๐๐ฑ๐๐๐ข๐ฒ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ค๐ ๐๐ฎ๐ซ๐ญ๐๐ฒ ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ฒ๐๐ก๐๐๐จ ๐๐ ๐๐จ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐๐ฒ.
Tababarka oo ay ka qayb gelayaan 22 wariye oo Rag iyo Dumar isugu jira ayaa socon doona muddo seddex maalin ah waxaana saxafiyiinta lagu bari doonaa casharro ku saabsan bedqabka saxafiga.
Xoghayaha SOMA Maxmed C/wahaab oo tababarka furay ayaa wariyaasha kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan tababarkan maadaama ay ka shaqeeyaan dalka Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ugu badan ee saxafiyiinta lagu dhibaateeyo.
Guddoomiyaha SOMA Hilaal Sheikh Shucayb oo asagana furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in SOMA oo taageero ka helaysa IMS ay dadaal ku bixisay in wariyaasha Koonfur galbeed ka shaqeeya helaan tababarkaan oo aad muhiim ugu ah saxafiyiinta.



