Talado 20-June-2023-{SOMA} Muqdisho-Tababarkan maanta ay Muqdisho ugu so Gabagabeysay Dalada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA 30ka tafatire ayaa waxaa lagu baranayay bad qabka suxufiga iyo in ay hubiyaan goobaha ay u dirayaashan saxafiyiinta ka howlgalo xarumaha ay tafatirayaasha ka yihiin Magaalada Muqdisho.
30kan Tafatire ayaa waxaa laga so xulay Warbaahinada ka howlgalo Magaalada Muqdisho sida telefeshinada Idaacadaha wargeysyada iyo Websaaydyada, waxana uu tababarka socday Mudo sadax maalin ah.
Xoghayaha Daladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Mahamed Osman Makaran oo ka hadlay Gabagabadii Tababarka ayaa sheegay in tababarkan loo qabtay markii suxufiyiin ka howlgasho soomaaliya ay wax yeelo ka so gaartay dagaalo iyo qaraxyo ka dhacay gudaha Dalka.
“ ayadoo laga duulayo in suxufiyiinta ay ku shaqeeyaan Goob amaan ah ayaa Tafatirayaasha waxaa labaray si ay uga fakari lahaayeen amaanka Suxufiyiinta ka howlgasho xarunta ay maamulaan waana sababata loo doortay in la tababaro tafatirayaasha “Ayuu yiri Xoghaye Makaraan.
Qaar kamid ah tafatirayaasha oo ka hadlay munaasabada lagu so xirayay Tababarka sadaxda maalin uga socday Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay waxbadan ka barteen tababarka la xiriiray badqabka suxufiga waxana ay balan qaadeen aqoontii ay barteen ay la wadaagi doonaan howlwadenada ay isla shaqeeyaan.
Tababarkan ayaa waxa ay Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ugu talagashay in kor loogu qaado wacyiga Saxafiyiinta ayaa waxaa ka taageeraayay Hayadaha IMS iyo FOJO