Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasaa in ay ka yihiin bulshada in ka badan %70, iyada oo aan inta badan helin, fursado la xiriira hogaaminta.
Dhallinyaradu waxa ay ku hammi weyn yihiin, wax ka badelka xaaladda dalka ku sugan yahay.
Waxa ay sheegeen in kaliya aan afka laga dhihin waxaad tihiin madaxda berry, ee ay u baahan yihiin in la tuso, si ay ula mid awoodaha caalamku uu ku faano.
Hadaba Aragti wadaag ku saabsan Kaalinta Dhallinyaradu ka qaadan karaan, Horumarka Dowladnimada. Waxaa nagala qeyb galay Cabdiwahaab Bilaal Axmed oo ah Gudoomiyaha Dhallinyarada Jubaland, iyo CabdiKaafi Maxamuud Makaraan oo ah Gudoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banadir.
Waxaa Aragti wadaagan qeybiyey Axmed Tifow Xasan.
Halkan Hoose ka dhageyso Aragtida labada Gudoomiye dhallinyaro.