Deegaanada Galmudug kama jirin markii hore in dadka ay tabcadaan beeraha kaliya waxa ay ahaayeen xoolo dhaqato, laakiin waxaa afar ilaa Shantii sano ee lasoo dhaafay deeganda lagu arkeyey dad beeraley ah.
Waxaa kamid ah Degmada Guricel ee Gobolka Galgaduud, oo ay dadku kusoo baraarugeen qodashada beeraha inkasta deegaanada Galmudug uusan marin Wabi.
Beeraleyda deegaanka ayaa dhibaato badan mararka qaarkiis u mara waraabka beeraha, iyada oo uusan xitaa ka ag dhaween wax ceel ah. Wadada kaliya ee u maraan Waraabka beeraha waa in Biyaha looga soo qaado booyado meel Guriceel u jirta Lix KM. Halkii Booyad oo Biya ah waxa ay beeraleydu kusoo gaartaa lacag dhan Afartan Dollar.
Beeraleydu waxa aysan sidoo kale haysan Qalabka loogu talagalay Beeraha, hadana waxaa saameyn xooggan ku reebay Ayaxii dhawaan ku degay Deeganka.
Dalagyada ugu badan ee ku beeran deegaanka waa qudaaarta cagaaran, sida Bocorka, Bataatiga, Babaayga, Liinta, Yaanyada, Qaraha Iyo kuwa kale.
Yoolax Cali Xaashi waxa uu kamid yahay dadkii ugu horreeyey ee deegaanka wax ku beerta, waxa uu sheegayaa in dadku aysan ku baraarugsaneen in deegaanku uu ku wanaagsan yahay beerashada, balse uu isaga go’aansaday in uu kamid noqdo Beeraleyda, si uu dadka u tusaale ugu noqdo.
Waxa uu sidoo kale sheegayaa in beertiisa oo ay ka baxaan Bocorka, Yanyada, Liinta iyo nuucyo kale ay ka shaqeeyaan dad badan oo lacag ku siiyo.
Yoolax waxa uu kamid noqday dadka uu beeraha ka baabi’yey Ayaxii dhawaan ku degay deegaanka.
“Qodashada beeraha waxaa igu kalifay dadka degan Gobolada kale ee dalka oo deganka aan Deganahay u aqoonsan Xoolaley kaliya, laakiin aan u aqoon saneen beeraley. Beerteydu waa 700 Mitir, waxa ay ka kooban tahay labo qeybood oo kala ah Xilli roobadka qeyb lala sugo, oo uu kaboxo Balka, iyo Qaraha iyo qeybta kala oo qudaarta cagaaran ay ka baxdo oo aan ku waraabino booyado biyo ah”. Ayuu yiri Yoolax.
Degmada Guriceel waxa ay markii hore Qudaarta uga timaadaa Gobolka Hiiraan, inkasta oo Beeraleyda deegaanku doonayaan in Gobolka isku filnaasho gaara.
Dalagyada kasoo go’a beeraha ayaa loo iib keenaa Magaalada, in kasta oo aysan dabooli karin baahida dadka, hadana waxaa qiimaha ahaan yar tan deegaanka kasoo go’da, maadaama uu qarash ku baxayo marka laga soo qaadayo Hiiraan.
Tusaale ahaan Qaraha kasoo go’a deegaanka waxaa Suuqyada laga iibiyaa lacag dhan Hal Dollar iyo Bar, halka kan laga keeno Hiiraanna la kala siisto qiimo dhan Laba Dollar.
Maxamd Abdi oo isna ah beeraley waxaa biirtiisa ka soo go’da Liin dhanaanta. Waxa uu sheegayaa in hadda uu haysto Suuq ku filan haddii xilligeeda la gaaro.
Waxa uu sidoo kale sheegayaa in Suuq ahaan ahayn Guriceel uu rajeynayo in uu iib geeyo. Maxamed ayaa SOMA u sheegay in dhibaatada haysata ay kamid tahay Ceel la’aanta, oo sababta in beeruhu aysan helin Waraab ku filan.
Balse beeraley ahaan ay hadda wadaan qorshe ku aadan sidii loo qodi lahaa, Ceel biyood, si looga maarmo Biyaha ay Booyaduhu Waraab ahaanta uga keenaan, meelaha ka fog Guriceel.
“Beerteyda waxaa ka soo go’a Khudaarta cagaaran waxaana u badan liinta, dadka deeganku waa ka jecelyihiin liintena tan Beledweyne, waxa ayna amin sanyiniin in ay ka biyo badan tahay. Ayaxii ku degay Beerteyda dhawaan waxa iga baabi’iyey dalagyo badan. Dhibaato Ayaan u marnaa waraabinta Beeraha laakin waxaa rajeynayaa in dhawaan la dhameystiro ceel qodistiisa uu socdo” Ayuu yiri Maxamed Cabdi.
Cabdi Xakiin Ibraahim oo ka tirsan Wasarada Beerlaha Galmudug ayaa qaba in sababta dadka ku kaliftay Xilligaan Tabcashada beeraha ay tahay dadka oo fahmay Muhiimada beeraha iyo dadka qaarkii ay abaarihii dhacay ay xoolihii kaga dhamaadeen.
“Inta badan dadka deeganku xilligaan ayey kusoo baraarugeen qodashada beeraha waxaa ku kalifay dadka oo fahmay muhiimada beeraha iyo Dadka oo xoolihii abaarii ay uga dhamaadeen” Ayuu yiri Cabdixakiin.
“Dadka ku dhaqan deegaanada Galmudug waxaa laga dhaadhiciyay in dhulkoodu yahay mid qalalan kuna wangsaneen Beerashada laakiin taasi waa been. Beeraha ku yaal deeganada Galmudug oo an maray dhammaan Qudaar wanaagsan ayaa ku taala” Ayuu hadalkiisa raaciyey Cabdixakiin.
W/Q: Maxamed Axmed Socdaal oo ka tirsan Radio Galgaduud.