• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Ardayda fasalka 12-aad ee Dugsiga sare oo Todobaadkan galay Imtixaankii ugu dambeeyey

Last updated Jul 25, 2020
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Waxa Ay Muddo U Han Qal Taagayeen Sidii Ay Uga Mira Dhalin Lahaayeen Guusha Mustaqbalkooda oo halkan ka bilaabaneysa.

Ardayda Fasalka 12-aad ee Dugsiga sare ayaa dadaal dheer kadib Todobaadkan U Fariistay Imtixaanka Qaranka, Oo Ay Sugayeen Muddo, maadaama uu dalka ka jiro Safmarka Covid-19.

Bishii May ee aynu soo dhaafnay ayaa lagu balansanaa in la galo Imtixaanka, balse ardayda oo fasax loo galiyey, Coronavirus dartii ayaa dib loogu dhigay.

Arday tiro ahaan gaareysa 34,600 oo arday ayaa sanadka galay Imtixaanka dugsiyada sare ee dalka, waana tiro ka badan sanadihii lasoo dhaafay.

Waxaa si weyn looga taxadarayaa Cudurka dilaaga ee Coronavirus, Ardayda ayaa wata Qalabka Face Mask, waxa ay Imtixaanka ku galayaan Kuraas qiyaastii isu jirta Hal mitir iyo bar. Imtixaanka waxaa daah furay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Deegaano Iyo Goballo Aan Xaalad Jira Awgeed Horay Imtixaanka Loogu Gali Jirin Ayaa Sanadkan Marti Geliyey Imtixaanka ,Waxaana Ka Mid Ah Magaala Xeebedka Marko ee Gobalka Shabeellada Hoose.

112- xarumood Oo Ay Dowladda U Diyaarisay Ayuu Ka Dhacay Imtixaanka Sanadkan, kuwaa Oo Ku Yaala Caasimadda Musqdisho Iyo Gobalada Kale Ee Dalka, sida uu ku sheegayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxman Jaabiri.

“Imtixaanka waxaa lagu galayaa, 112 xarumood oo dalka oo dhan ah. Ardayda u galaya waa 34,600 (Soddon iyo Afar kun, iyo Lix boqol), oo arday, waxaan u rajeynayaa guul dhammaantood, waan ku kalsoonahay in ay ka mira dhalin doonaan, wixii ay soo barteen”. Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada.

Shamsa Cabdulahi Maxamed Waxay Ka Mid Tahay Ardayda Sanadkan Imtixaanka Qaranka U Fariistay, waxa ay maalmo badan iyada iyo saaxibadeed ku fasalka ah wada diyaarinayeen Imtixaanka.

Inkastoo laga dareemayey naxdin xagga imtixaanka ah, hadana waxaa ka muuqatay Shamsa Kalsooni ah in ay heli karto safka hore ee Kaalmaha.

“Waxaan dareemayaa wanaag badan. Mudo badan ayaan sugayey inaan galo Imtixaanka, waqti badan ayaan siinay, aniga iyo asxaabteyda, diyaarinta, waxaan rajeynayaa in aan kasoo muuqan doono, ardayda ugu sarreysa Imtixaanka”. Ayey tiri Shamsa.

Aabbe Cabdi Aziiz Xuseen Axmed Waxaa Sanadkan dugsiga sare uga baxa gabdhiisa Caaisha oo 19 sano jir ah. Waxa uu sheegay in uu qaatay doorkiisa waalidnimo intii ay gabdhiisa ku jirtay Diyaarinta Imtixaanka.

Waxa uu sidoo kale noo sheegay in uu Caaisha ugu talagalay Abaalmarin dhiiri galin ah, haddii ay kamid noqoto, Toban arday ee Natiijo ahaan ardayda ugu horreysa. 

“Waxaa sanadkaan iiga baxaya Dugsiyada Dhexe iyo Sare laba gabar oo aan dhalay, waxaan u rajeynayaa labaduba in ay guuleystaan. Caasha waa gabar dadaal badan runtii, waan la diyaarinayey Imtixaanka, waxay muujisay dhabar adeeg badan, waxay noqon doontaa mid guuleysata”. Ayuu yiri Caaisha Aabaheed.

Todobaadkii lasoo dhaafay Ardayda Fasalada 8-Aad ayaa galay markii ugu horreysay Imtixaan Ay Qaadeeyso Wasaaradda Waxbarashada Tan Iyo Bur Burkii Kadib.

 

Share

Prev Post

Sareynta Sharciga iyo Kaalintiisa Nidaaminta bulsho.

Next Post

SJS and SOMA call for Banadir Regional Court to dismiss the trumped up charges against journalist Gurbiye

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo cararay abaaraha

SOMA PROGRAM SHARING

GAALKACYO: Dadka kunool tuulo hoos timaada magaalada oo Biyo yari xoog leh wajahaya

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYNE: Magaalada Feer-Feer oo kasoo kabaneysa colaad soo jirtay RUBUC QARNI…

SOMA PROGRAM SHARING

WANLAWEYN: Mootooyinka Saddex Lugooleyda ah oo fududeyneysa nolosha reer Miyiga

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo…

Aug 4, 2022
Prev Next 1 of 130
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.