Anyaxa Saameyay Dhul Daaqsin Badan oo Galmudug ah ayaa wel wel & Cabsi Ku Beeray Beeraleyda Deeganada Maamulka Galmudug.
Beeraleyda Soomaaliyed ee ku dhaqan deegano badan oo hoostaga degmoyinka Dhuusmareeb & Guriceel ee Galmudug ayaa ka cabanaya anyaxa saameyay dhul balaaran iyo daaqa xoolo badan oo gobalka ku nool.
Ayaxa deegaanka xaalufiya ayaa baabi’inaya afar kun oo hector oo beero iyo dhul daaqsin ah oo ka tirsan deeganka, duullaankan Anyaxa ku haya xaalufin dhirta daaqa ah ayaa la curtay roobka dayrta oo si aad ah oga da’aya gobalada dhexe waxa uuna sababi karaa cuno yarida dhanka nolasha ah dad badan oo ku tiirsanaa dalagyada beerahooda.
Sida ay ii sheegen Beeraleyda Ayaxu hada sida muuqata wuxuu ku sii fidaya qayba badan oo dhulka daaqsinka ah balse wali uusan gaarin deeganka beerahooda ayaa sababi kara in Qeybtii ayax ahba aay suuragal tahay in ay baabi’iso wixii ay sannad cuni lahaayeen 2,500 oo qof oo ku nool deeganada galmudug.
Maxamed Maxmuud Afrax oo ka mid dadka beeraleyda ah deegaanka godoon oo hoos taga dhuusamreeb ayaa ii sheegay in cabsi iyo wel wel ka qabaan Anyaxa ku fidaya deego badan oo galmudug ah.
” Anyaxa ku degay deegano fara badan oo godoon u dhow ayaa aya nagu abuuray wel iyo cabsi madaama dalagyada Ayaxa wuxuuba cunay dhulkii daaqa ah, haddana waxaan u dagaallameynaa in aan ka difaacno beerta aay inoogu abuuran yihiin qare iyo digir abuurku haduu ino so baxay oo uu roobkii kobaad ku da’ay.” ayuu yari Maxamed Maxamuud Afrax.”
Abuurkii jiilaalka Maxamuud Hada beertiisu waa ay soo boxday iyadoo geedku ubxiyay in mirta saarto uu karaja qabaa balse aysan jirin awood ay uga hortagaan Ayaxa oo roobkii hore dhibaato & rajo beel ku riday. waxa kaliye ee ay awodaan ay tahy qaylo iyo in daasado ku garaacaan marka uu beerta ku dago.
Beeraleydu waxa ay baaq u direen dowlada somaalia & maamulka galmudug oo ay ka codsadeen sidii wax looga qaban lahaa anyaxa saameyay deeganada dhulka deeqsinka si beerahooda uusan ugu sababin in uu rajo tiro markle Ayaxu.
“Waxaan baaq u direynaa dowlada somaalia iyo maamulka galmudug in lnalaga caawiyo in dalagyada uusan marka kale inaga saameyn maadaama Anyaxu Abuurka roobkii hore uu ino geystay khasaaro dad badana uu cuno yari ku riday ayuu yiri Maxamed.”
Marka laga Yimaado cabashad beeraleyda qaybo ka mid ah galmudug waxaa ka taagan Saameynta Ayaxa iyadoo suuragal tahay in uu ku sii fido dhul badan oo dhul beereed & waliba dhul daaqsin ah.
Axmed Cismaan waa agaasimaha xanaanada xoolaha degmada guriceel ee maamulka galmudug waxa uu ii sheegay in deegano badan oo ka mid tuuloyinka degamada hoosyimaada & dhulka miyiga ah Ayaxu dhibaato xoogan ku hayo.
” Deeganada Laandheer, dhan fooraris, Good wiil, iyo Shiilo Madow oo ah dhulbalaaran oo dhul daaqsin ah ayuu Ayaxu aad ugu dagay oo waxa uu dhirtii xoolaha ay daaqi lahaayeen uu ku hayaa xaalufin, Ayaxu marka uu ku dago dhirta waxa uu baabi’inayaa caleenta geedka iyo waliba mida dhulka kasoo baxdo oo ay xooluhu cunaan.”Ayuu yiri Axmed Cusman.”
Dhibaatada abaarihii badnaa ee somaali ku dhufan jiray horraantii sannadkii anynu ka soo gudubnay roobkii Guga & midkan dayrta ah ee curtay waxaa somaalia ka dillaacay arrinta dhibaatada dabiiciga ah ee duullaankii ugu xumaa muddo 25 sano ah oo Ayax uu dalka ku soo qaado, sida FAO ay sheegtay.
WQ: Cabdiqadar Xasan oo ka tirsan Radio Galgaduud