• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Sida ay Warbaahinta u xakameyso Wararka Been abuurka ah ee la xiriira Coronavirus

On Oct 29, 2020
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Raadinta xog rasmiya si aad kaga fogato bahinta wararka been abuurka ah ayaa u baahan fejignaan dheeriya, siiba xilligan oo ay aad u bateen ilaha baahiya xogaha khaldan.

Tan iyo Cudurka Karoona marka uu dalka soo gaaray waxaa jira Dhacdooyin been abuur ah, iyadoo Tifaftirayaasha Warbaahinta Soomaalida, gaar ahaan kuwa ku yaalla Muqdisho ay dadaal ku bixiyaan, hubinta sax ahaanshiyaha Warka soo gaara ee la xiriira Covid 19.

Hanad Cali Guuleed oo ah tifaftiraha guud ee Goobjoog Media Group oo isugu jirta raadiye & muuqaal baahiye waxa uu barnamijka wadaaga SOMA kaga waramay sida ay ula falgaleen bahinta dhacdooyinka aan xaqiiqdooda gacan lagu heyn ee ku saabsan cudurka Karoona.

Waxa uu sheegayaa in wararka la xiriira Cudurkan ay kaliya baahiyaan marka ay la wadaagaan Ha’adaha Caafimaadka, Iyo Wasaarada Caafimaadka dalka.

“intabadan xigashada saxda ah waxa aan kahelnaa wasaarada cafimaadka taa oo markasta nalawadageysay halka ay waxmarayeen inkastoo wayadaan laftirkeedu aney waayadaan warbahinta lawadageyn xogta cudurka kana qeybgeliney shirarka cudurka looga hadlayo,,

Hanad Cali guleed ayaa sidoo kale sheegaya in ay dhacdo in qof goobjooge ah lasoo xiriiro lana wadaago dhacdo degaankiisa uu ku sheegayo in ay ka dhacday ama cabasho uu cid gaara kacqabo taasi oo adkeyn karta helida dhinaca laga cabanayo oo haddii la baahiyo sababi karta in qalqal bulshadeed ka dhaco Magaalada uu abaarayay warka ee aad ku sheegtay in sheekadaasi kajirto.

“goobjoogayaasha oo laftirkoodu kumilmay baraha Bulshada ayaa kamida kuwa kulawadagaya baraha Bulshada iyagoo inta kusowaca kusheegaya indegaankooda dhacdo kajirto arintaasina dib kabeenoobi karto”

Aaladaha kala duwan ee baraha bulshada gaar ahaan kuwa loo isticmaalo bahinta casriga ah ayaa qeyb ka ah, meelaha ugu badan ee xogaha aan saxda ahayn bulshada kaga yimadaan tasoo xaqiijinteedu ay ku qaadato weriyayaasha waqti badan.

Sadaam Mohamed Daahir oo isna ah tifaftiraha guud ee Star Fm Somalia ayaa tilmaamay in dhacdoyinka been abuurka ah ee soo gaara warqabadkooda ay kamid tahay in marar badan loo sheegay Warar ku saabsan Coronavirus, laakin saxnaanta wararkaa baaris ay ku sameeyeen kadib ay noqotay, mid been ah.

“caronaha oo hadda kamida wararka ugu waweyn ee ay tebiso warbahintu kawarbahin ahaan waxaan lajanqadeynaa marwalba xaalada cusub iyo sameynta cudurka ee markaasi ilaha ugu badan ee aanu xigashada toskaa kasamynana waxaa kamida wasaarada cafimaadka iyo hay,adaha cafimaadka sida who”

Xarumaha warbahineed ee waxaa ka dhaxeeya tartan dhanka baahinta ah kaas oo marmarka qaar qeyb ka noqda in weriyayaashu ku dhiiradaan baainta xog Khaldan maadaama uu tartankaasi sababi karo in masuuliyiinta Xarumaha doorbidaan in ay noqdaan isha ugu horeysa ee sheegta dhacdadaasi.

Marka laga hadlayo xakameynta iyo xog helida xaalad gooniya ayaa la sheegaa in ay ku xiran tahay sida uu Wariyaha Masuuliyad isaga saaro Xaqiijinta Xogta.

Cali Maxamed Cali oo ah khabiir warbahineed oo in ka badan 20 sano kusoo dhex jiray warbahinta ayaa SOMA u sheegay in Warbaahinta ay si fiican u xakameysay Wararka la xiriira Covid-19, iyadoo aanan ka helin xogtii ay uga baahneyd Masuuliyiinta dowladda.

Waxaa uu ku talinayaa in la joojiyo tartanka Tabineed ee u dhaxeeya Warbaahinta, si ay meesha uga baxdo, in loo deg deg xog u baahan hubin dheeraad ah

“marmarka qaarkood maclumaadka ayaa xadidnaa taasi oo sababi karta in weriyuhu uu waayo hanaankii uu u isticmalilahaa bahintiisa iyo wacyigelintiisa arintaas oo Gabi’s noqotay lkn weydadaalayeen. Arintani waxaa looga gudbikaraa in ay wadashaqeyn mujiyaan masuliyiinta xarumaha warbahineed jojiyaana tartanka habineed ee kadhexjira siweriyuhu uhelo xoriyad abuuri karta inuu xogsaxan baahiyuhu”

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay wararka been abuurka iyo xogaha khaldan ee la isla dhexmarayo ay caqabad ku noqdaan jawaab ka bixinta cudrkan Coronavirus.

Khuburada ayaa ku talinaya in mar walba la hubiyo saxnaan Xogta, kahor inta aan bulshada loo gudbin.

WQ: Cabdixafiid Nuur oo ka tirsan Star FM Somalia

Share

Prev Post

Saameynta uu ku leeyahay Baraha Bulshada Nabad galyada qofka

Next Post

Ayax Saameyay Dhul Daaqsin Badan oo wel wel Ku Beeray Beeraleyda Guriceel

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo cararay abaaraha

SOMA PROGRAM SHARING

GAALKACYO: Dadka kunool tuulo hoos timaada magaalada oo Biyo yari xoog leh wajahaya

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYNE: Magaalada Feer-Feer oo kasoo kabaneysa colaad soo jirtay RUBUC QARNI…

SOMA PROGRAM SHARING

WANLAWEYN: Mootooyinka Saddex Lugooleyda ah oo fududeyneysa nolosha reer Miyiga

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo…

Aug 4, 2022
Prev Next 1 of 130
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.