Dadka intooda badan waxay soo dhigaan macluumaadka shakhsi ahaaneed ee ku saabsan noloshooda, inta badan lagama fikiro waxyaabaha ka dhalan kara faafinta xogaha gaarka ah, waxayse u maleynayaan inaanay wax dhib ah ku yeelaneyn Taas oo ka dhigeysa Xogohooda buug furan oo uu aqrisan karo ruux kasta.
Inta badan baraha bulshada sida Facebook, Tiktoc, IMO,You tube, Whats app iyo kuwo kale ayay dhalinyaradu u adeegsadaan in ay kula wadagaan dadka kale ee isticmaala xaaladdahooda, sawirro, Muuqaallo, ama macluumaad ku saabsan halka ay ku noolyiin ama hababkooda maalinlaha ah.
Dhibaatooyin kala duwan ayay dadka qaar kala kulmaan barahooda bulshada iyada oo ay dhacdo in laga jabsado ama waxyaabo aan wanagsaneyn lagu faafiyo.
ilaalinta xatooyada waa laga hortagi karaa, laakiin adeegga ilaalinta xatooyada aqoonsiga ayaa si wayn hoos ugu dhigi kara khatarada kaga imaneysa in lagaa jabsado akongaaga.
Hadaba Saameynta baraha bulshada uu ku leeyahay nabad galyada qofka waxa uu Maxamed Qadar Cabdi oo ka tirsan Radio Himilo ka wareystay Cabdisataar Carabow oo darajada labaad ka heysta Culuumta Computer-ka.
Halkan Hoose ka dhageyso Wareysiga