Xeryaha lagu dhaqdo geella ayaa kusoo batay labadii bilood ee lasoo dhaafay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib markii ganacsato iyo dad miyiga xoolaha ku dhaqan jiray ay duleedka Magaalada ka sameeyeen in ka badan 10 xero, taasoo shaqo ay ka heleen qaar ka mid ah bulshada Baledweyne.
Ibraahim Maxamed Nuur oo kamid ah ganacsatada dhaqda geella ayaa sheegay in hadda xerada uu ka hirgaliyay Baledweyne ay ku xareysan yihiin ku dhawaad 70 neef, kuwaasoo markii hore baadiyaha loogu heyn jiray balse hadda uu go’aansaday in uu magaalada ku haayo.
Ibraahim Waxaa uu sheegay in sababaha keenay in uu baadiyaha xoolaha kasoo raro ay qeyb yihiin abaaraha, sidoo kale shan ka mid ah ay uga dhinteen maadaama baad iyo biyo hadda aysan miyiga ka jirin.
Waxa uu SOMA u sheegay in sanadyadii hore hadba inta irmaan uu keeni jiray magaalada si loo caano teello balse hadda dhammaantiisa uu ku bixiyo biyo raashin loo sameeyo.
Hadda 180 doollar ayuu kusoo iibiyaa maalinkii balka iyo maankaalka, waxaa inta geella Irmaan laga lisaa 30 Liter oo caano ah oo lagu kabo shaqaalaha ka howlgalla.
“Haa shan halaadaa iga dhimatay geelaan xareysan ee aad arkeyso irmaan mawada ahan waa geel abaar lagasoo xareeyay isagaa la nooleynayaa maanta hadda waxaa lasiiyaa galeey,mankaal,bal waxyaabahaa ayaa lasiiyaa oo loosoo iibiyaa caano badan malahan maalintii waxaa laga lisikaraaa marka ugu badan 30liter oo caano ah. Geelii baadiyahay wax uu cuno ayuu waayay cano maleh. Geelaan abaar ayaa lagasoo xareeyay maalintii wuxuu rabaa hal loor oo galeey ah hal maalkaal ah iyo lixdan kabaay oo bal ah mana is dabooleyso maalinta u yar 180 dolar ayaa wax loogusoo hagaa geela”
Qaar ka mid ah dhallinyarada ku nool magaalada Baledweyne ee yaqaana habka loo raaco loona dhaqo geella ayaa shaqo abuur ka helay xeryaha geella ee laga hirgaliyay magaalada.
Calinuur Maxamed Cali waxaa uu kamid yahay dhowr dhallinyaro ah oo shaqo abuur ay noqdeen geella lagu soo xareeyay magaalada waa 21 sano jir isagoo da’diisu tahay 18 ayuu noqday geel jire waxaa uu baadiyahay ku ilaalin jiray geel uu lacag ku raaco isaga oo dhaqaalaha yar ee kasoo gala ku biili hooyadii iyo afar caruur yaryar oo ay walaalo yihiin oo ku nool Magaalada.
Calinuur ayaa shaqadiiso tahay in ay geela ay siiyaan biyaha balka iyo maankaalka sidookale caanaha ayuu ka lisaa, taas oo u noqotay fursad wanaagsan oo uu qoyskiisa ugu soo dhawaaday isaga oo shaqadiisa wata.
Waxaa uu sheegay in marka sidaan oo kale xeryaha magaalada lagu xanaaneynayo in ay kala duwanyihiin oo waxaa fudud midka magaalada marka baadiyaha la joogo geela waxaa u baahan yahay ilaalin badan in baadida laga cesho sidoo kale waxaa loo arooriyaa mararka qaar meelo fog
“Muddo ayaan ku jiraa shaqadaan geeleey ahaan jiray Anoo 18jir ah ayaan bilaabay shaqadaan wax aan leeyahya maahan ee waa amaano Alxamdullilaah. Geela abaar galay naftiisa bas ayaa la difaaci hayaa balka,maankaalka ayaan siinaa biyahana waan u furnaa sidaaas ayaan u xananeynaa hadda naftiisa ayaa la difaacaa lkn nafaqo lagama raadinaayo waligeey geel xero kuma xananeyn lkn hadda iigu horeyso alx miyiga ayaa dhibbadan baadi ka celin iyo ilaalis badan ayuu rabaa”.
Qaar ka mid ah dadka kunool Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in caanaha laga soo liso geella magaalada lagu heli karo xilli wanaagsan sidoo kale ay qiimo yar yihiin kuwa baadiyaha laga keeno.
Yuusuf Xasan oo kamida dadka sida joogtada ah caanaha geela u iibsada ayaan kala sheekeystay waxa ay ka badaleen xeryaha badan ee kusoo kordhay magaalada iyo in uu jiro hoos u dhaca xaga qiimaha caanaha ah waxaana uu iisheegay in ay joogsadeen inta badan caanahii ka imaan jiray deegaanada ku hareereysan magaalada.
“Runtii bilooyin kahor iyo hadda isku qiimo maahan sababtoo ah markii hore caanaha waxaa laga soo safri jirya hareeraha magaalada hadda maadaama dalka abaar b,an kajirto caano iska daaye geelii ayaaba dhimanaayo saaas awgeed isku qiimo maahan xiligaas iyo hadda. Aniga joogto ayaan u iibsadaa sababtoo ah waxaa guriga ii jooga aabaheey oo waayeel ah caanahana aad ugu baahan. Qiimaha marba waa si marna waa hal dolar iyo kabadan mararka qaar hoos ayey u dhacaan markaa halmeel ma taagno hadda sidii caano loo helo ayey ku xiran tahay. Haa waan jeclaan lahaa in xeryahay magaalad soo bataan sababtoo ah caanaha ayaa noo raqiisi lahaa”.
WQ: Shukri Baryare oo ka tirsan Radio Hiiraanweyn.