Fatahaad Xoogan oo ku dhufatay Deegaano hoostaga Magaalada Beledweyne Saddexdii cisho ee ugu danbeeyey, ayaa baabi’isay dhul beered badan oo ku yaalla ilaa Afar deegaan sida ay Barnaamijka wadaaga u sheegtay Xaliimo Cismaan Nuur oo kamid ah Beeraleeyda deegaanadan.
beeraha Biyaha Galeen, ayaa ku kala yaalla deegaanada Buulo Kaahin, Siigoow, Gambarlaawe, iyo Quracleey, waxaana dhul beeredkan la abuuray waxii ka danbeeyey Bilahii April, iyo jun ee sanadkan 2020, dadka beeraleeyda ah waxaa ay sheegen in hal sano gudahood ay qasaareen 3 mar oo ay dhacday fatahaada Wabiga shabeelle.
Timiro Faarax Cabdi oo ah hooyayada 5 caruur ah, kana mid ah beeraaleeyda deegaanka buulo kaahin, ayaa sheegtay in beerteeda oo aheeyd 4 higtar ay biyaha galeen 2 cisho ka hor, kuwaas oo ay ku abuurnaayeen Galeey, yaanyo digir iyo basbaas, dhamaana dalagyadaas ay biyaha qariyeen, dhaqaalahii ka galay beerta ayaa lagu leeyahay Timiro, kuwaas oo gaarayo 550$ oo is kugu jiro shidaal, fal , iyo daawo.
waxaa ay sheegtay in ay nolosha qoyskeeda ku tiirsaneeyd beerta, sadax kamid ah caruurteedane ay waxbarasho uga bixin jirtay iskuul, taasi oo laga qaadi jiray 30$ bishii , isha kaliya ay ku tiirsaneeyd ahaa aheeyd beerta, waxaa ay ka warameeysa sida ay usaameysay fatahaada wabiga shabeelle nolosheeda.
“Anigu waxaan kamid ahay dadka beerahaan leh, Tuuladan dhaaywabar ayaan Deganahay. Saddex sano iyo lix bilood dalagii aan ku abuurnay aan hadaba waxba laga dheefin oo Markii Sheeygu soo gaduuto oo la anfacsan lahaa ayuu dhimanhayaa, biyo baxadaas waa na leysay, marka waxaan Codsaneenaa Ninka ay quseyso in wax noo qabto. Anaga beeraley ayaan nahay Beerahaan ka shaqeeysanaa meel kale Xoolo Nagama soo galaan, beerihiina Marka dhibaatadan ayaa ku dhacday. marka waxaan Codsaneenaa in anagu hada waaba naga besba Waxaan qaban karno Maba leh labaatan bari ayaan biyahan Celineenay oo xoog uweeynay Xoolo iyo Xoog wax kastaan ku beelnay”
Dadka kale ee fatahaada Wabiga Shabeelle saameysay waxaa kamid ah, Xaliimo Cismaan Nuur oo ah hoooyo haysta 9 caruur ah, waxaa ay sheegtay in beerteeda biyaha ay ku biloowdeen sadax cisho ka hor,
Xaliimo ayaa sheegtay in sanadkan ay abuuratay Galeey, waqtiga goosashada beertane ay uga dhineeyd wax ka yar 20 cisho, quus ayey sheegtay in ay ka joogto tacbashada beer kale madaama ay gaareen qasaaro ay kasoo kaban weyday, bilahii ugu danbeeyey.
“Beertan ayaa teyda ah midan Hada dhiman rabta qaar waa dhimatay inta kalena halhaas ayaa ka haray, dhulka kan galey baa ku taalay Galeydii markey xabuuq noqotay oo Caruurtu ay Cuni lahayd biyihii ayaa Qabsaday. biyihii marka hore Gu’ iyo Deer lee ay naqaban jireen hadda jiilaalkii ayaa nooga Darayba. Makiinadaha Cagafta Abuurka Xoog waxay Nagilin karaan oo Kanalkan sidiisaba Nagala Xiro Jawaan waaba lagu kari waaye in Cagaf la keeno oo Shamiido la keeno oo laga shaqeeyo ayaa Horto ka rajeeyneynaa”
Waxaa dadaallo xooggan oo ay wadeen maamulka Tuulada Dhaaywabar, oo lagu doonayey in biyuhu aysan soo gaarin deegaanka, kaas oo aan lagu guuleysan.
Guduumiyaha Tuulada Dhaaywabar Mukhtaar Macali axmed ayaa sheegay in iskaashatadoda Beeraha Dhaay wabar aay Mudo 15 maalmood ah Juhdi ku Bixinayeen in aay xiraan biyaha wabiga si dalagyo badan oo utabcanaa dadka deegaanka ubadbaadiyaan balse nasiib daro wabiga uu karkaarada Jabsaday halkaasna aay ku baabaeen Dhamaan Dalagyadii Utabcanaa Dadka Deegaanka.
“Meeshaan Mudo 15 Maalood ah ayaa la xeriyey oo kharash badan ku baxay oo la daalay oo iskaashatada ay dhaqaalo badan ku bixiyeen 4,500 “Afar Kun iyo Shan boqol” oo Jawaan ayaan gelinay intaas oo kharasha ah oo lacag ahna waan ku bixinay 570 Dollar oo kash ahna waan ku bixinay intaas oo dhana waxaba waa ka qaban waayeen. sidaas awgeed Nuucyada badan oo dalagyo ah ayaa go,ay sida galeeydii Digirtii babaygii aya nuuc aay ahaantaba Liintii Ayaa Hada Khtar ku jirta””
Gudoomiyaha iskaashatada Beeraleeyda Baladweyne ee Midnimo Aadan cabdullahi aadan jaamac ayaa sheegay in qeemeeyn ay kusoo sameeeyen beeraha ay biyaha galeen, waxaana uu sheegay in gabi ahaanba Dalagyadii halkaa ku abuurnaa aay baaba,een Barnaamijka Wadaag ugu waramay waxyaabahii ay kusoo arkeen deegaanada ay soo kormeeren.
isagoona Dalbaday in dadkaasi Lacaawiyo Maadaama ilihii Dhaqaale ee aay ku tiirsanaayeen gabi ahaanba aay ka soo xirmeen.
“Sanadahaan ugu Dambeeyey Marna cayayaankaa qaatay beeraha, marna waxaa baabi’isay Biyo Baxada. Wallaahi Dadkii tuulooyinkan ahaa ma garano waxa ay hada aay ku noolaan doonaan dalagoodii waa kanaa oo ahaa Wixii ay ku nolaayeen. Beerihii aay Tacbadeen oo qutulyoonkooda ay ka dhacsanayeen Hadii ay tahay bal ay geeystaan & haddii ay tahay Badar ay ka goostaan Biyihii ayaa saan u galaya.
Eber waaye marka wey ka dhamaatay marka biya Baxdii weey ka Qaadatay, anoo ku hadlaaya Afka Midnimo waxaan ka codsaneenaa Cid kasta oo aay khuseyso Haday tahay Dowlada Hadeey Hay’adaha Local-ka ah & International-ka waxaan ka Codsaneenaa in Umada Maantay Sidan u baaba’aysa laga Soo gaaro”
wax soo saarka beeraha Gobolka Hiiraan ayaa hoos udhacay 5 sano ee ugu danbeeyey, kadib markii Gobolka ay kusoo noq noqdeen fatahaado is daba joog ah, kuwaas oo saameeyey beerahii dalagyada laga soo qaadi jiray, waxaana is badalay qeemaha khudaarta qaar kamid ah sida basasho iyo digirta oo qaali noqday belahii ugu danbeeyey.
WQ: Cumar Muxidiin Cumar oo ka tirsan Radio Hiiraanweyn.