• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Barakacayaasha Muqdisho oo aan haysan waxyaabihii ay ku dhaqan galin lahaayeen kahortaga Coronavirus

On Sep 10, 2020
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Kun iyo todobo boqol oo qoys oo ka mid ah dadka soo barakacay ee ku nool xerada Sahal oo ku taalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa helay wacyigalin ku saabsan sida looga hortagi karo Cudurka Coronavirus.

Farxiyo Xaashi Maxamed oo ah Hooyada shan caruur ah kana soo barakacday colaado ka jiray Degmada Qoryooley bishii December ee sanadkii 2018-kii ayaa sheegtay in wacgalinta loo bilaabay bishii June ee sanadkan, islamarkaana ay ka faaideysteen.

Waxa ay tilmaamtay Farxiyo in la baray waxyaabaha loo baahan yahay si looga hortago cudurka oo ay ka mid yihiin in ay ilaaliyaan nadaafadda guryaha, weelashada cuntada, iyo in ay had jeer gacamaha dhaqdaan oo ay isticmaalaan jeermis dile.

“Waan aragnay wacyigalina waan helnay wacgalinta waa socota everday time waan aragnaa waan la soconnaa nidaamkaaga, maadaama aan nahay dad barakacayaal ah oo nadaafadood aysan dheeli tirneyn, waxaa nala baray nadaafadda awalan marka aad raashinka karinays in aad dhaqato gacmaha, markaad adigu gacmahaaga dhaqato ka dib aad jikada gasho  ilamaha aad gacmaha u dhaqdo aad ka ilaaliso waxyaabaha jeermiska ah ee ay ku cayaarayaan, dhow bilood ayay noo socotaa wacgalinta ilaa markii aan maqalnay corona viruska.” Ayey tiri Farxiya

Toban iyo Todobo ruux oo ka mid ah dadka ku nool xerada Sahal ayaa hay’adda AVORD u tababartay in ay si joogto ah maalinwalba ay uga wacyigaliyaan dadka halista cudurka covid19.

Maxamed Xaaji Muuse oo ah Aabaha Todobo caruur ah oo kasoo barakacay Deegaanka Janaale bishii Sagaalaad ee sanadkii 2018 ayaa ka mid ah dadka helay tababarka hay’adda oo socday labo todobaad.

Maxamed wuxuu inoo sheegay in subax walba ay dadka barakacay ugu taggaan guryaha cooshadaha ka sameysan ee ay ka degan yihiin xerada ayna la wadaaggaan waxyaabihii lasoo baray ee ku saabsanaa ka hortagga cudurka corona virus.

Waxaa uu tilmaamay in dadka ay qaataan farriimaha wacygalinta ah ee ay u gudbinayaan laakiin ay dhibaato ku qabaan qaabka ay u dhaqangalin karaan, maadaama aysan heysan dadka maaska afka lagu xirto, saabuun iyo jeermis dile kaliyana ay waddaan wacyigalinta afka ah.

“Bulshadeena in aan kula soo laabano oo aan uga sheekeyno dhibaatada sidii aan uga hortagi laheyn oo aan cudurkaasi noo saameyn hay’addii nasoo tababartay kheyr badan alle ha siiyo , waana lasoo laabanay bulshadeenna waan u sheegnaa marwalibana waan la dhex qaadnaa , anagoo ah guddi badan wacyigalinteenna waa socoto wixii nala soo tababarayna bulshadeena waan ku wareejinaa , dadka waxaan farriinteena ugu gudbinaa waan soconnaa subax waliba kama caajisno waan u tabliiqeynaa waan u tagnaa, way isticmaalaan wayna qaataan wacyigalinta laakiin waa ka maqan qaabkii iyo wixii ay isticmaali lahaayeen sida saabuunta”.

Farxiyo Xaashi Maxamed waxay mar kale Barnaamijka Wadaagga u sheegtay si ay u hirgaliyaan wacyigalinta in aysan awoodin agabkii lagu hirgalin lahaa taas badalkeeda ay sameeyaan si ay cudurka uga badbaadaan in liin dhanaan ay weel ku miiraan ka dibna ay gacmaha ku dhaqdaan ama dabaska si maalinle ah.

“Saabuunta, shaambada hadii aad weyso intaasi oo duruuf ku heyso , waxaadan weyn karin liindhanaanta iyo dabaska, awalan waxaan u isticmaalnaa liin dhanaanta in aan baaldi ku miirano oo aan weel ku shubano , aroortii markii aan soo kaco aan gacmaheyga dabaska ku dhaqo aana uga dabamariyo liin dhanaanta , ilamahaana aan gacmaha uga dhaqo kadibna aan raashinka siisto”

Axmed Maxamed Cali oo ah horjoogaha xerada Sahal ayaa sheegay in dadka barakacay ay u hirgaliyaan wacyigalinta cudurka corona virus in ay dadka degan agagaarka xerada iyo sidoo kale jeebkood ay kasoo iibiyaan saabuun iyo jeermis dile si dad ay u isticmaalaan.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in si maalinlaha ay dadka uga wacyigaliyaan ka maamul ahaan dhanka nadaafadda dadka kunool xerada si ay uga badbaadaan cudurka corona virus.

“inta aan angu ka roonahay oo aan uga sameyn laheyn maskixiyan wixii aan jeebkeena ka bixino in aan ugu soo gadno waxyaabaha lagama maarmaarka ah sidda saabuunta, oomada iyo colonrinka biyaha lagu daro ah waxyaabahaasi ayaan sameynaa, aad waxaan uga dadaalnaa si madatwacnino ayaan ku shaqeyno in aan dadka ka dhaadhicino ilaalinta nadaafadda musqulo oo colorine ay ku shubaan inta qashinku kuu jiro ayuu cudurku kuu jiraa oo aan dad aad u wacgalino waxyaabaasi ayaan aad ugu dadaalnaa”.

 

Ribaax Maxamed Yuusuf oo ka tirsan hay’adda AVORD ayaa sheegay in dad ay kasoo xuleen dadka soo barakacay ee ku sugan xerooyinka barakaca ee ku yaalla degmooyinka Dayniile iyo Hodan ayna u qabteen tababar ku aadan wacyigalinta cudurka corona virus.

Guud ahaan waxaa uu sheegay in tababarka ay siiyeen dad ka socday 36 xero oo ku taalla degmada Dayniile iyo afar xero oo ku taalla degmada Hodan markii la isku darana noqoneysa 40 xero, waxaana uu xusay in xero walba laga soo xulay 17 ruux  tirada guud ee dadka la tabarayna ay noqotay 360  qof ka dibna ay dib ugu laabteen bulshada si ay ugu sii wacyigaliyaan waxyaabihii la baray.

“Waxaan qabanay tababar kaasoo macnihiiso ahaa covid 19,kaasoo aan u qabanay idps dadka barakacayaasha ah, waxaana ku qabanay labo degmo kala hodan iyo dayniile ,labo labo ayaan isku qabanaynay labaatan bari ayaan qabanay afartan kaam ayuu ahaa , kaamkii waxaan kasoo xulnay 17 qof howlkii ugu weyn maalintii 36 qof ayaa lagu qabanaayay , runtii anaga waxaan bixinay waxa ay ahaayeen theory qaabkii loo xiran lahaa maaska , cudurka wuxuu yahay, maadaama dadka badankood wuusan ka dhaacdhasaneyn waxa uu yahay anaga marka waxay aheyd in aan sameyno wacyigalin.

Dadkan soo barakacay badankood waxa ay ka yimaadeen gobolka Shabeellaha hoose, iyadoo tan iyo markii uu bilowday cudurka corona virus ay muujinaayeen walaaca ay ka qabaan cudurka ka hor inta aysan helin wacyigalinta.

WQ: Maxamed Bootaan Yuusuf oo ka tirsan Radio Risaala

Share

Prev Post

Beeraleyda Duleedka Baledweyn oo saameyn ay ku yeelatay Biya-bax uu sameeyey Wabiga

Next Post

Maxaa u sahlay in Kaalinta Koobaad ka galo Imtixaanka Qaranka sanadkan Sayid Cumar Cabdiraxmaan?

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo cararay abaaraha

SOMA PROGRAM SHARING

GAALKACYO: Dadka kunool tuulo hoos timaada magaalada oo Biyo yari xoog leh wajahaya

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYNE: Magaalada Feer-Feer oo kasoo kabaneysa colaad soo jirtay RUBUC QARNI…

SOMA PROGRAM SHARING

WANLAWEYN: Mootooyinka Saddex Lugooleyda ah oo fududeyneysa nolosha reer Miyiga

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo…

Aug 4, 2022
Prev Next 1 of 130
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.