Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ayaa shaacisay Natiijada Ardaydii gashay Imtixaanka sanad dugsiyeedka 2019/2020, iyadoo ay jiraan dhaliilo ay jeediyeen Bahda waxbarashada qaarkood, oo ay ku sheegeen in loo baahan yahay sameynta baaritaan dhab ah.
Imtixaanka waxaa galay guud ahaan 33,727 arday, waxaana haray 8,550 arday, taas oo ka dhigan 25.35% arday in aysan ku guuleysan in ay gudbaan. Ardayda ugu badan Gobol ahaan ahaan waa Banadir oo ay ka hareen 7,873 ardayda taas oo ka dhigan 90% ardeyda dhacday in ay ahaayeen kuwa gobolka Banadir.
Sayid Cumar Cabdiraxmaan, ayaa noqday ardayga Kaalinta koobaad ka galay Imtixaanka, kaas oo dhiganayey Iskuulka Jaabir Bin Xayaan ee Muqdisho.
Halkan Hoose ka dhageyso Wareysiga Sayid Cumar.