Dalagyada dhul beereed ku fadhiyey in kabadan 330 baac, oo ku yaalla Magaalada Beledweyne iyo tuulooyin hoostaga ayaa ku baaba’ay cudurka loo yaqaano Dhuun qabada oo ah markii ugu horreysay oo ay dadka la kulmaan, tan iyo bishii Desember ee sanadkii hore, kaasoo keenay saameyn dhinaca wax soo saarka beerihii la filayey in soo go’aan.
Dalagyada uu cayayaanka wax u dhimay oo isugu jira Masago, galley, digir, yaanyo, basal, ansalaato, iyo dalagyo kale ayaa la beeray bilihii August iyo September ee sanadkii 2021-kii.
Sida uu SOMA u sheegay Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cabdulle oo kamida beeraleyda ay beerahooda saameynta ku yeeshay cudurkan, ayaa ka saameeyey inka badan 7 hektar oo nolol ahaan ku tiirsanaayeen qoyskooda.
Waxaa uu xusay in fasalka ka khasaaray ay kaga baxdey lacag gaareyso $570, oo uu deyn kaga soo qaatey ganacsato deggan degmada. Waxaa uu ka walaacsan yahay sida uu deyntaas isaga bixin karo, maadaamaa dalaggii uu ku tashanayey uu sidaas xaalkiisu noqday.
“Si caadi ah ganacsi ayaan u isticmaalaa qeybta beeraha masagada ayaan tacbaa waana sii gadaa khasaaro waa jiraa inta aan beerta la beerin markahore waxaa lasameeeyaa qashin qaaad, diyaarin, jabaaleyn, makiineyn ,waliba dalaga abuurayo waa lacg ilaa soogoosashada markaa qiimaha la galiyay iyo dhaqaalaha ay soosaarto marka leeysku beeyqaamiyo waa kale badan yihiin”.
Waxaa sidoo kale saameynta cudurkaan uu dalagga beeraha ku yeeshay laga dareemay suuqyada magaalada Beledweyne, oo loo iib-geeyo wixii beeraha ka soo go’. Waxaa jira sare u kac ku yimid qiimaha lagu kala gato wax soo saarkaas markii ay gabaabsi noqdeen dalaggii suuqa loo iib-keenayey, iyadoo ay dadka beeraleyda ah ay horey u saameysay abaarta ka jirta Gobolka.
Iqlaas Cabdi waa beeraley, waxay beer ku leedahay duleedka degmada Beledweyne. Dalag ka kooban sisin, basal, masago iyo galley oo ay beertay bishii September ayaa mirihii beerta ay baab’een markii uu cudurka dhuun qabada uga dhacay.
Markii ay beerteeda ku aragtay cayayaanka, waxay ku buufisay sunta lineetada ee loogu talagalay in cayayaanka lagula dagaallamo, laakiin nasiib darro suntaas waxba waa ka tari weysay. Sunta oo ilaa shan liitar dhameyd ayey sheegtay in ay deyn uga soo qaadatay ganacsato bakhaaro beeraleyda deynta siiya, kana jirta lacagaha xilliga fasalka la iib-geeyo.
Beeraleyda ay Iqlaas kamid tahay waxay isticmaaleen suntan cayayaanka beeraha lagu buufiyo waxay sheegeen in dalag galley ah oo gaarayo ilaa 21 kiintaal oo uga badbaaday cayayaanka ay rajeyneysa in ay beerta uga soo go’da.
Waa hooyada qoys ka kooban 7 qof, walwalkoodu waxaa uu yahay marka ay beerta soo go’eysa sida ay dib ugu heli karto dhaqaale dhan $950, oo ay beerta gelisay. Rajo kama qabto in dhaqaalahaas iyo wax u dhow ay beertu sannadkan soo celiso.
“Cudurkaan waxaa la yiraahdaa dhuun qabad waa nagu cusub yahay waa maqli jiray lkn waligeey ma arkin beer uu ku dhacay hadda ka hor beerta markeey baxdo wax miro ah ma dhaleeyso markii hore beerta markii ay baxdo masagada ayaan gadan jirnay hadda malahan arintaas waxaa ay keentay khasaaro”.
Axmed Cabdulle Muxumed oo ah khabiir dhinaca beeraha, oo muddo 45 sanno ka badan ku howlanaa wax soo saarka beeraha iyo Deegaanka, ayaa beeraleyda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gobolka Hiiraan ku boorriyey in inta aanan la beerin dalagga, dhulka lagu buufiyo suntan cayayaanka disha, islamarkaana mar walba lala socda tallaalka beerta.
Waxa uu xusay in cudurkaan ay keentay biyo la’aanta iyo dhulka oo jeexjexmo ama jeerara taas oo sabab u noqotay in uu balka qeybta hore ka laabto oo uu bixin waayo wax Masago ah.
Labo farsamo ayuu sheegay in looga hortagi karo cudurkaan dhuun qabadka oo ah in beeraleyda ay sameeyaan waraabin isbuucle ah iyo in beerta lagu sameeyo carro gidin ama falitaan taas oo duugeysa jeerarka uu dhulka sameeyay cudurka kana hortageeysa in uu balka markii uu waqtigii uu bixi lahaa masagada uu duubmo qeybtiisa hore.
“Daawo si toos ah loogu daaweeyo majirto lkn farsamooyin ayaa jiro oo dhaqameed ah cudurka waxaa uu ku imaan karaa markeey biyo la,aan jirto oo dhulka jeex jeexmo jeerarkaas dilaacaayo ayaa balka qeybta hore ka duubmaa waxaa lasameeyaa beeerta wa la waraabiyaa oo sibuucle looga dhigaa waraabka hadii la waayo wxaa lasameeyaa cara gidin waala falaaa”.
Khasaarahan soo gaaray beeraleyda Beledweyne, ayaa noqonaya kii labaad muddo bilooyin gudahood ah, maadaama beeraleyda ka fog aagga Webiga ay dalagyadii ka baabi’isay abaarta jirtay, taas oo sabab u noqotay in ay hoos u dhacdo wax-soo-saarka dhinaca beeraha Gobolka Hiiraan sanadkaan.
WQ: Shukri Baryare oo kamida bahda Radio Hiiraanweyn