Mustaf Faarax oo ka qalin-jebiyay heerka koowaad ee jaamacadda Job key, faraceeda Beledweyne waxuu shaqadiisii ugu horreysay helay dhamaadkii 2020-kii, kaddib markii uu dib ugu laabtay xirfadda farsamada gacanta oo uu ka shaqeyn jiray kahor inta uusan bilaabin Waxbarashada.
Shahaadadiisa maamulka ganacsiga, oo uu sanadkii 2019 ka kasbaday Jaamacadda, wax albaab ah uma furin. Waxa uu hadda ka shaqeeyaa goob lagu sameeyo Ganjeelada, Daaqadaha muraayadaha ah, Kuuraasta Iskuulada, kuwa Jaamacadaha, Booyadaha biyaha lagu dhaamiyo, iyo kuwa kale, wuxuuna hadda bishii helaa lacag dhan $300 oo uu ku dabaro nolosha qoyskiisa oo ka kooban laba carruur ah & Hooyadood.
Sababta ku qasabtay in uu ku dhiirrado dib ugu laabashada shaqadaan waa inuu arkay in loo-shaqeeyayaashu ay doorbidaan dadka isku darsaday xirfadda iyo aqoonta jaamacadda.
Mustaf ayaa kula taliyay dhallinyarada waxbaratay ee jaamiciyiinta ah in ay ku biiraan goobaha lagu barto farsamada gacanta si shirkadaha wax-soo-saarka ay shaqo uga helaan ama ay xooggooda ugu shaqeystaan oo meel ay furtaan, intii ay sugi lahaayeen shaqo aqoontooda u aqalanta.
“Haddii aan weynay in aan shahaadadii wax ku helno baahida gaarka ah ayaa igu qasabtay inaan xirfadeyda ku shaqeysto qalbiga ayaan ku hayaa inaan wax soo bartay waxaan islahaa waxaad ku shaqeysanee aqoontaada lkn weey noqo weysay oo waxaan kusoo laabtay xamaaligii. Inta aan rabay ma gaarsiisna lkn waa ay ku filantahay nolosha qoyskeyga. Waxaan leeyahay dhalinyarada adinkoo waxbartay hadana shaqeysta oo xamaasha barta farsamooyinka”. Ayuu yiri Mustaf.
Magaalada Baledweyne oo ah xarunta Gobolka Hiiraan kuma yaallaan dugsiyo lagu barto farsamada gacanta, kuwaas oo ay oo fursad u noqon lahayd dadka aan weligood wax baran iyo ardayda ka soo baxa dugsiyada dhexe, iyo sare ee doonaya inay xooggooda ku shaqeystaan. Balse, Goobaha Garaashyada iyo meelo lamid ah ayey ardeyda jaamacadaha dhigta iyo kuwa soo dhameeyay ka bartaan farsamada Gacanta.
Cabdikaafi Cali oo ah milkiilaha Garaash lagu cillad bixiyo Baabuurta ayaa SOMA u sheegay in dhallinyarada waxbaratay ay maskax ahaan ka diyaarsan yihiin kuwa aan wax baran, ayna jirto qeyb u gaarka ah ardayda jaamacadaha sababtuna ay tahay inay daboolaan baahida kuwa doonaya inay bartaan xirfadaha farsamada si ay shaqooyin u helaan.
Wuxuu xusay in Sagaal dhallinyaro ah ay hadda ka shaqeeyaan Garaashkiisa sadax kamida ah ayaa soo dhameeyey Dugsiga sare, halka Lixda kalana ay Jaamcadaha Magaalada labadii sano ee lasoo dhaafay.
“Haa waa ku jiraaan ilaa lix dhalinyaro ah oo soo dhameeyey jaamacadaha magaalada labadii sano e lasoo dhaafay sidookale sadax ayaa soo dhameeyay dugsiga sare markaa waa dad waxbartay maya isku wax qabada maahan waad garakartaa oo aqoon iyo masuuliyada ayaa ka muuqata dhalinta wax baratay sidookale waa ay firfircoon yihiin waana maskax furanyihiin. Haa waa ay jiraan oo waad aragtay in magaalka ay ka jirto shaqo laaan baahsan dhalinyaro badan ayaa soo dalbata balse mawada aqabali karno markaa shaqaalaha qaar ay shaqada katagaan ayaan dib uwacnaa kuwii nasoo codsan jiray”. Ayuu yiri Cabdikaafi.
Qaar ka tirsan ardayda baratay farsamada gacanta ee jaamiciyiinta ah ayaa furtay xarumo u gaar ah oo ay ku shaqeystaan taasi oo ay shaqo kasii heleen dhallinyaro kale oo muruqmaal ah.
Cali Cabdullaahi oo bartay cilmiga Injineeriyada wuxuu furtay xarun u gaar ah oo lagu cillad-bixiyo korontada, diishashka iyo qaboojiyeyaasha, kaddib markii ay waalidkiis ka caawiyeen in uu furto goobtaan. Waxaa hadda la shaqeysa in kabadan Toban dhallinyaro ah oo uu isaga shaqada ku tababaray.
Waxaa uu dhameeyey Jaamacadda sanadkii lasoo dhaafay, islamarkaana ay jirtay dhowr xafiis oo uu shaqo u doontay, balse illaa hadda uusan ka helin wax Jawaab ah, isagana uu go’aansaday in xooggiisa ku shaqeysto, taasina oo ku qasabtay in uu barto farsamada gacanta.
Cali wuxuu aaminsan yahay hadda in uusan gaari lahayn halka uu maanta joogo haddii uu ku mashquuli lahaa raadinta shaqo u qalanta cilmigiisa jaamacadeed. Waxa uu SOMA u sheegay in uu ogaa in xirfadda uu soo bartay uu ka heli karo lacag fiican haddii meel u gaar ah uu furto.
“Waxaa igu kalifay shaqadaan camal laanta dalka ka jirta dhalinyarada ay jaamacada dhameyeen qaarkood aysan wax shaqo ah hyn aniga meelo badan ayaa shaqa ka doontay anoo shahaadadeyda sita wax walbana qabiil ayaa lagu baxshaa hadiiba sheekada qabiil gaartay aniga waxaan door biday inaan iskeey u shaqeysto shahaadadiina aan meel iska dhigo ilaa ay kasoo baxeyso shaqo fiican oo dadka iyo dalka wax loogu qaban karo waxa isoogalo alx hadda dhib majirto”. Ayuu yiri Cali.
Aqoonyahanada Magaalada ayaa tilmaamay in shaqo la’aanta kaliya aysan ku koobneen Baledweyne, balse dalka oo dhan ay ka jirto, loona baahan yahay in dhallinyarada ka faanin barashada xirfadaha gacanta xoojiyaan si ay shaqo u helaan, maadaama dalka aysan ka jirin dowlad awood u leh shaqaaleysiinta dhallinyarada kasoo baxaya Jamaacadaha dalka guud ahaan sanad kasta.
WQ: Shukri Baryare oo ka tirsan Radio Hiiraanweyn.