Muqdisho, Maarso 30, 2019: Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed waxa ay ka welwelsan tahay weerarka Xarunta Universal Tv ee Muqdisho, waxa aan ka walaacsanahay in gaadiidka iyo awoodda dowladda loo isticmaalo hab qaldan oo xadgudub ah. SOMA waxa ay ka xun tahay weerarka argagax leh ee lagu qaaday Xarunta Telefeahinka Universal oo kamid ah Warbaahinta Muqdisho. Marna ciidanka dowladda lagama fileyn in ay awoodda iyo hubka dowladda kuweeraraan xarun Warbaahineed iyada oo la heli karay hab kale oo loo maro gudbinta farriinta hi siday ciidanka weerarkaas fuliyey. Haddaba annaga oo og ee weerarka xarumaha Warbaahinta iyo shaqaalaheeduba hi yahay faldambiyeed lid ku ah qaanuunka haddana waxa aan ku dhiirrigelineynaa dowladda Soomaaliyeed in ay garsoorka hor keento ciidanka geystay falkaas weerarka iyo ciddii bixisay Amarkaas. Waxa aan ka Codsaneynaa xukuumadda iyo cid walba oo haysa xil dowli in ay muujiso dulqaad iyo tixgelinta Dastuurka kmg ah iyo xeerarka caalamiga ah ee xorriyadda iyo madaxbannaanida Warbaahinta. END |