Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA; waxa ay ka walaacsan tahay sida ay hay’adaha nabadgelyadu ula dhaqmeen Suxufiyiin kala duwan oo ka socday xarumo warbaahineed oo madaxbannaan.
Maalintii Arbacada 4 April 2018, saxafiyiinta oo ku sugan banaanka xarunta golaha shacabka ayaa Saraakiil ka tirsan hay’adda nabadsugidda ay ku dhowaad 20; suxufi isugu geeyeen goob aan munaasab ahayn, iyaga oo u jeediyey hadallo hanjabaad iyo caga-jugleyn isugu jira oo lagu baqdin gelinayey suxufiyiinta, waxa lagu amray in aanay qaban karin maqal iyo muuqaal aan loo fasixin, sidaas oo kalana hadalka hanjabaadda ah ee loo jeediyey aanay soo xigan Karin, sidoo kalane aysan daabici karin.
Ciidanka hay’adda nabad sugidda ayaa ka qaaday suxufiyiin ka tirsan teleshinka Kalsan Kaamarad, iyaga oo maalin kaddib dib ugu soo celiyey, taas oo xadgudub ku ah shaqada Warbaahinta.
SOMA; waxa ay ka welwelsan tahay hab-dhaqanka ciidanka ee Warbaahinta oo ay suuragal tahay in uu sababo in Saxaafaddu u howlgeliweyso si wax ku ool ah, iyada oo cabsida suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahintu ay sabab u noqon karaan in ay guud ahaanba meesha ka baxdo kaalinta kor jooggnimada ee warbaahintu.
Ugu dambeyn SOMA; waxay u soo jeedineysaa dhammaan madaxda laamaha kala duwan ee ciidanka in ay illaaliyaan madax bannaanida saxaafadda, islamarkaana ay hubiyaan in saraakiisha ciidanku aanay helin awood ay ku cadaadiyaan suxufiyiinta.
Dhamaad