Sagaashan iyo laba arday oo isugu jira Konton wiil iyo Afartan iyo gabdhood oo wax ku barta Deaf Iskuul Gaalkacyo oo ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa wajahaya duruufo adag oo ay kamid yihiin in Iskuulka uusan lahayn ama xitaa u dhaween goob ay wax ka cunaan ardayda dhigata, maadaama uu aad uga fogyahay magaalada, & sidoo kale in muddo dhan Shan bilood aysan macallimiinta qaadan wax mushaar ah.
Maamulaha Iskuulkan Cabdiraxman Cabdulaahi Jaamac ayaa sheegaya in Iskuulka ay dhigtaan ardayda maqalka naafada ka ah kuwooda danta yar, islamarkaana aysan uusan iskuulka helin mashruuc dhamaystiran oo looga taageerayo xaga dhismaha iyo macalimiinta marka laga reebo Hay’adda Mercy Corps oo mudo 10 bilood ah intii u dhaxeysa Bishii August 2020..Bishii May 2021, bixinysay mushaarka 3 macallin oo ahaa min boqol dollar macalinkiiba, halka saddex macalin oo kalana ay qaadanayeen min konton doolar oo guddi iskuulku leeyahay ka baxianyey jeebkoda.
Deaf Iskuul Gaalkacyo oo ka kooban dugsi dhexe iyo sare ayaa la rajeynayaa in sanad dugsiyeedka 2022-2023 ardayda ugu horreysa ee dugsi dhexe dhameeyaan, kuwaas oo ka kooban saddex iyo toban arday oo isugu jira sideed Gabdhood iyo Shan wiil.
Ustaad Cabdiraxman ayaa tilmaamay Iskuulka uu leeyahay guddi ka kooban todobo xubnood oo iskugu jira rag iyo dumar oo la yiraahdo CC kuwaasoo u badan waalidiin xoogga saarayey in uusan iskuulku burburin islamarkaasna ka shaqaynayey inay buuxiyaan baahida iskuulka iyagoo iskuulka u kiriyeeyey gaari lagu soo qaado ardayda aadka uga fog goobta waxbarashada, tan iyo 2017 oo ah xilliga la aasaasay Iskuulka balse hadda wajahaya dhaqaalo yar xooggan.
Waxa uu xusay Maamulaha in wasaarada waxbarshada Galmudug oo uu hoostago Iskuulka uusan ka helin taageeradii uu mudnaa, haddana aysan jirin rajo badan oo ay kasii qabaan, macallimiintana ay yihiin kuwa ku shaqeeya xilligaan si mutadawacnimo ah, xaaladuna ay tahay mid adag.
“Iskoolku waxa uu qabaaa baahiyo kala duwan sida macalimiinta oo aan mushaar qaadan wax dhaqaale ahna aanan ka qaadin ardayda iskoolka oo magaalada ka fog, wax quudin ah inaysan haysan, sidoo kale sameecadihii wax lagu mqali jiray inaysan jirin dhanka waxbarashada ka caawin lahaa iyo iskoolka oo dhismahiisu yaryahay ardayda dhigataa waxaa weeye 92 arday, afartan iyo labo gabdhood, kontonka kala ay yihiin wiil, majirto wax na taageera oo haayad ah amaamul ah”.
Waalidiinta ay ubadkooda u dhigtaan Iskuulkan Deaf Iskuul Gaalkacyo ayaa qaba walwal ku aaddan in haddii uusan heli taageero uu kusii shaqeeyo Iskuulka ay carruurtooda ay waayaan goob ay wax ku bartaan.
Hooyo Sacdiyo Xasan Cali oo Iskuulka ay ka dhigata fasalka Shanaad, islamarkaana ku dhalatay maqal la’aanta ayaa sheegtay inay isbadal waxbarasho uu ku yimid gabdheeda oo aad u sarreysan tan iyo bishii sideedaad ee 2019, oo ay Iskuulkan geysay.
Waxa ay xustay inay ka cabsi ka qabto in waxbarashadu istaagto, oo aysan awood u leheen in gabadheeda ay ka bixiso qarashka waxbarashada, maadaama kan ay hadda dhiganeyso uu yahay mid lacag la’aan ah.
Hooyo Sacdiyo oo markii hore qabtay walwal ah halka ay wax ka bari doonto gabadheeda Qadro, hadda waxaa aad ugu fikireysaa waxa xigi kara mustaqbalka gabadheeda haddii ay joogsato waxbarashada Deaf Iskuul Gaalkacyo.
”Gabar baa ii dhigata iskoolka qadro maxamed xuseen baa ladhahaa, gabdhaydu labo iyo toban sano ayeey jirtaa een kowaad bay kazoo bilowday hadana waa shanaad. bulshada waad ogtahay kaabaha dhaqaale wuu iska yaryahay, abaar ba,an baa haysa dadku mafansana qofkaan dhagoolka ah in uu wax barankaro, walaahi waxbarshadu waa istaagaysaa macalimiintu waxay ka yimadaan jamadaca gaalkacyo iskoolkuna waxuu ku yalaa saldhiga shabeel ayraboorka dhinaca putland ku yaaluu la simanyahay meel gees ah buu ku yaalaa waayo gaarina wax lagu kiraysto lama haayo, macalinkii waxuu soo raaco mahayo, mushaar ma uu qaato,wax niyada loogu toosiyo malaha”.
Dowlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa sheegtay in ay si dhaw ula socoto baahiyaha ka jira Iskuulka Deaf Iskuulka, iyada oo dooneysay in ay wax ka qabato.
Madaxada waxbarashada ee Gaalkacyo Liibaan Macalin Maxamuud ayaa xusay inay siyaasad waxbarsho ay u dagan tahay dowladda Hoose, islamarkaasna ay doonayaan inay iskuulkaan ka taageraan dharka Uniformka, cuntada iyo bixinta mushaarka macalimiinta, si ay usii socoto waxabarshada.
Waxa uu tilmaamay in ay qaadi doonaan talaabooyin ay ku boorinayaan in Hay’adaha samafalka & wasaarada waxbarashada taageeraan Iskuulka, haddii aysan wax isbeddel ah la waayana ay dowladda Hoose ku fikireyso in canshuurta ay qaado qoondo ay ku yeeshaan Deaf Iskuul qoondo la isla ogyahay marka la gaaro sanadka soo socda ee 2022.
” Runtii iskuulkaas baahiyo guud baa ka jira oo ay qabaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee dhagoolayaasha ah baahidiisuna waa baahi aad ubalaaran maxaa yeelay bulshada marna waa danyar oo waa dad aan waxba iska baxinkarin marna waa dad baahiyo gaar ah qaba oo bulshada unugul, dagmada gaalkacyo waxaa oga dagan siyaashada waxbarashada waxyaabaha aan rabno inaan ka taageerno waxaa kamid ah dharka xagiisan uniformka, cuntaada, iyo macalimiinta mushaarkooda inaan baxino mustaqbalka maadaama sanad cusub la galayo, talaabooyinka aan qaadi doono waxaa kamid ah in haayadihii sama falka ee waxbarshada ka shaqeeya loo galo oo mataqanaa lalahadlo”.
Bulshada Koonfurta Gaalkacyo ayaan fahan badan ka qabin ahmiyadda ay leedahay in wax labaro carruurta qabta baahiyaha gaarka ah sida ay sheegayaan qaar kamid ah aqoonyahanka Magaalada, taas oo sabab u ah in ay halkaan ku yaraado Iskuulada ay wax ku baran lahaayeen arday qabta baahiyaha gaarka ah nuuc walba.
WQ: Mahad Macallin Abshir, oo ka tirsan Radio Hayaan-Gaalkacyo.