Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa Magaalada Guriceel, ee Gobolka Galgaduud, kusoo badanayay Ajibka shidaalka lagu iibiyo, iyadoo aysan magaaldu lahayn wax dabdamis ah, taas oo ay walaac xooggan ka muujinayaan ganacsatada.
Guriceel inta badan goobihii shidaalka waxaa loo dhisay qaab ka duwan sidii hore, Kaalimaha magaalada laga hirgaliyay qaarbaa leh goobo gaadiidka la dhigto, laguna meyro, taas oo aad uga duwan goobihii lagu iibin jiray Shidaalka ee Magaalada.
Sakariye Axmed Yusuf oo kamid ah Ganacsatade kaalin Ajib ku leh Guriceel, ayaa sheegaya in cabsi badan uu mar walbe qabo taas oo ah, in haddii uu dab kaco aan si sahal ah loo damin Karin, madaama magaaladu aysan lahayn wax dabka damin kara.
” Ajibyadu shidaalku waa ay soo badanayaan maalinba maalika xiga Guriceel anigu waxan ka mid ahay dadka shidaalka ka ganacsada waxan u cabsadaa hintada iyo nafteyda mar walba in dab ka kaco ajabka ayaan ad oga baqaaa waan taxadaraa maadaaama uusan jirin wax dab damis ah oo magaaladu leedahay aniga oo kaliya ma aha ee waa inta ila midka ah ee shidaalka magaalada ka ganacsata, Aniga ahaan waan dadaalay oo haamaha keydka ah aad ayaan oga taxaday hadana wuxu waa baasiin oo wax yar ayaa khatartiisa sababi kara, in magaaladu yeelato dab damis lagaga hortago adbey muhiim noogu tahay. Ayuu yiri Sakariye.”
In ka badan sedex ajib oo shidaalka lagu iibiyo oo ku yaalla degamada guriceel ayuu dab ka kacay, ka geystay khasaaro isugu jira hanti & wax yeelo dadka qaar ka soo gaartay, balse haddii uu jiri lahaa dabdamis lagaga hortago ay suura gal ahaan laheyd in khasaaraha intaa ka yaraado.
Bishii Marso ee 2019 dabkii ugu xooganaa uguna khasaaraha badnaa ee guriceel waxa uu ka dhashay kaalin shidaalka lagu iibiyo oo ah kuwii ugu horeeyay ee shirkada BEDER magaalada ka hirgalisay.
Godon Juureeye waa maamulaha Xarunta labaad ee shirkada Beder ee Guriceel waxa uu SOMA u sheegay in khasaaro dhan Lix iyo Toban Kun oo Dollar ay kala kulmeyn dabkii ka kacay oo baabi’iyey Saddex bakhaar, Maqaayad, & ajibka shidaalka ee shirkada, dab damis la’aanta magaalada ka jirtana ay sababtay inuu ku faafo qaybihii kale xarunta wax badana ay ku basbeeleen.
“Khasaaro ad u weyn ayuu inoo geystay dabkii qaybta kaalinta shidaalka lagu iibiyo, Waxa ay ahyd waqti waagu soo baryayo dab ka dhashay fiilo koronto dhamaan ku faafay qaybihii xarunta. inuu dabka ku sii faafo qaba badan sida qaybtii shidaalka ee ka hilowday qaybtii mac macaanka qaybtii makhaayada guud dabkuna aadna u xoogeystay waxaa sababta in lawaayo wax lagu damiyo sacado badana uu qaatay in bulshada deegaanku isu kaashato damintiisa aadna loogu dhibtooday, wuxuuna ahaa dabkii ugu weynaa ee gobalka ka kaca. ayuu yiri Godon.”
Maamulka Degmada Guriceel ayaa tilmaamay in baahida deegaanka ka jirta ay ka mid tahay in Magaalada ay yeelato Dab damis looga hortago khatarta & khasaaraha haddii uu dab ka kaco Degmada.
Godomiye ku xigenka arimaha bulshada ee Guriceel Abdirisaq Maxamuud ayaa ii sheegay in ka maamul ahaan dadaal ugu jiraan in magaaladu dab damis yeelato isago Ganacsatada & guud ahaan bulshada ayuu baaqay iney muhiim tahay kaalintooda muuqato si loo helo, maadaama ay tahay mid nacfi badan u leh degma haddii ay hesho.
” Waxaa jirta baahi weyn oo xaga dab damiska ah magaaladana haysta adbey u fiicantahay in la taxadaro lana helo wax dabka lagu damiyo goorta uu kaco, Magaalada dhowrjeer ayuu dab ka kacay shacabkuna kala kulmeyn dhibaato, Ganacsatada & guud ahaan bulshada magaalada in la isku kaashado anaga ka maamul ahaan waxaan u taaganahay kuna howlanahay sidii magaaladu u heli lahayd. Ayuu yiri Godomiye Abdi risaaq.”
WQ: Cabdi-Qadar Xasan oo ka tirsan Radio Galgaduud.