• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Dhallinyaro Muqdisho ka bilaabay in si bilaash ah dadka u siiyaan Afxirka

On Mar 11, 2021
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Tiro dhallinyaro ah oo ku nool Magaalada Muqdisho ayaa Waday Saddexdii Todobaad ee lasoo dhaafay in Masaajidda, goobaha bulshadu ku kulanto & goorama yaryar ee lagu ciyaaro kubada cagta ee Xamar ay ka qeybiyaan Waji xirka ama Face Mask.

Zakariye Cabdi oo ah horjoogaha kooxdan ayaa sheegaya in arrintaan ay ku dhalatay kaddib markii ay dareemeen in Muqdisho uu cudurka Karoonaha si xowli ah ugu sii faafayo, loona baahan yahay in qof walba ay qaadato kaalinta kaga aadan ka hortagga Covid-19.

Waxa uu tilmaamay in hadda ay qeybiyeen in u dhaxeysa Afar boqol illaa Afar boqol iyo Konton “400-450” Face Mask, oo ay siiyeen dad isugu jira Rag & Dumar, iyaga oo xitaa dadka u sheegay Muhiimadda uu u leeyahay in uu xirto, mararka qaarna ay dadku kala kulmaan falcelin aan wanaagsaneen.

Zakariye ayaa SOMA u sheegay in lacago ay dhallinyaro ahaan iska qaadeen, & kuwa ay usoo direen dad ku nool Dibadda ay ku iibiyaan Afxirka, xilli ay koox koox isku qeybiyaan. Waxa uu intaa ku daray in ay jeclaan lahaayeen in ay arrintaan ka sameeyaan dhammaan Xaafadaha Muqdisho, & dalka oo dhan haddii ay awood u yeeshaan, maadaama dadku ay halis badan ugu jiraan Cudurka Karoonaha.

“Waxaa igu kalifay inaa fece maska dadka uqaybiyo kadib markan arkay sida xanunka dilagaa uu ugu dhexfafayo bulshada sidoo kale dadka aysan awoodin  majirto cid gooniya oo iga caawisa.

Qarasha kubaxo fikradadii aniga keenay kadib markii aan fecebogayga kusoo qoray bostiyo ku adan inbulshadu ubahanyihiin fece maska.

Ma jirto cid lacag laga qaado sadaqo waaye aysoo dhiibtan dadraba inloosadaqeeyo. Arintaan aniga u istagay hadii aydadku wax isoo diran wan uqaybi donaaa”. Ayuu yiri Sakariye.

Dadka ay u qeybiyaan Afxirka uma kala saaraan in uu iibsan karo, iyo inkale, balse waxa ay ku xiran tahay in uusan qofka wadan, iyagoo ku dhiirigaliya in isla markiiba uu xirto.

Liibaan Mahad Muuse oo kamid ah, dadkii helay Face Mask-ga ay dhallinyaradaan ka qeybiyeen mid kamdia Masaajidda ku yaalla degmada Warta Nabadda ayaa sheegaya in arrintaan ay ku noqotay lama filaan, maadaama uu ku fikirayey in uu iibsado Afxirka kahor inta aysan la kulmin dhallinyaradaan.

Waxa uu SOMA la wadaagay in shaqada ay haayaan dhallinyardaan ay Muhiimad weyn ugu fadhido bulshada Soomaaiyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho, maadaama ay qeyb ka qaadanayaan Badqabkooda.

Liibaan ayaa sheegaya in xilligaan dadku u baaha yihiin wacyigalin xooggan oo lagu barayo Muhiimada qalabkan, si ay u yaarto faafitaanka Covid-19, dhallinyaradana lagu dhiirigaliyo sidii ay usii wadi lahaayeen howshan aadka muhiimka u ah.

“Iyadoo laga dulayo xanuunka qatartiisa, waxay go’aansadeen in ay dadkooda badbaadiyaa. Hadda anigoo lacag bixin in laysiiyo waa mid aad u muhiima hadana waa ixiranyahay Wana wadan doonaa waxan aad igu mahadcelinayaa dhalinyaradan is xilqantay iyagoo kadulaa in xanunku bulshada kudhex fafo”

Dhakhaatiirta ayaa si aad ah uga digaya dadka in aysan ka tagin Afxirashada, oo loo arkayo in ay tahay tallaabada koowaad ee qeybta ka qaadaneysa badbaada qofka wata.

Dr Ilyaas Sheikh Ibraahim oo kamida Dhakhaatiirta Muqdisho ayaa tilmaamay, in ay wanaagsan tahay in dadku ay ku dadaalaan qaadashada Afxir aad loogu dadaalay nadaafadiisa, maadaama haddii uu wasakh noqdo cuduro laga qaadi karo.

Dr Ilyaas ayaa SOMA u sheegay in dadku ay qaataan talaabooyinka ay soo jeedinayaan bahda caafimaadka, ayna tahay dadku xilligaan ay uga dhaga nuglaadaan maadaama uu si xowli ah ugu faafayo Gobolka Banadir.

“faiidadiisu waxay tahay madama xanunka lagu kaqaado neefta iyo qunfaca si uusan usoo gaarin ayaa luugu talagay in qofka xiranaya uu isaga difaaco talahaan waxan soojedinayaa in dadka aysoo toshan fece mask iskana dhaqaan “

Maamulka Gobolka Banadir ayaa soo rogay Amarro ku saaban xirashada Face Mask-ga, iyadoo Gudoomiye Cumar Filish uu todobaadkan ku celiyey in wixii ka dambeeya 15-ka bishaan la ganaaxi doono Qofka aan wadan Afxirka.

WQ: Xamdi Mahad Diirye  oo ka tirsan Radio Risaala.

Share

Prev Post

Ganacsatada Guriceel oo ka cabanaya Dab-damis la’aanta ka jirta Magaalada

Next Post

Xarun ay wax ku baranayaan carruurta aan hadli karin, oo Muqdisho laga hirgaliyey

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

Dadka Muqdisho oo ku kala qeybsan qaadashada Tallaalka Cudurka Karoonaha

SOMA PROGRAM SHARING

Darawalada Bajaajta Guriceel oo hal arrin darteed uga tagay Shaqooyinkooda

SOMA PROGRAM SHARING

Amar uu soo saaray Maamulka Gobolka Banadir oo saameyn ku yeeshay dadka soo barakacay…

SOMA PROGRAM SHARING

Xarun ay wax ku baranayaan carruurta aan hadli karin, oo Muqdisho laga hirgaliyey

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

Dadka Muqdisho oo ku kala qeybsan qaadashada Tallaalka…

Mar 25, 2021
Prev Next 1 of 77
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.