Dadka ku nool Degmada Guriceel ee Gobalka Galgaduud ayaa tan iyo April ee sanadkan waxa ay guryaha & goobaha ganacsiga ku beeranayeen geedo ay kamid yihiin geed tallaalka, Saytuunka, Liinta & kuwa kale, iyadoo ujeedka ugu wey tahay in laga helo qabow, & in ay kor u qaado bilicda magaalada, taas oo fursad shaqo u noqotay dhallinyaro badan.
Abuukar Abdi Salaad oo ka mid ah dhallinyarada magaalada keena geedaha si uu usii iibiyo ayaa sheegaya inuu bilaabay shaqadaan bilowgii bishan, uuna ka bartay dhallinyaro ay asxaab yihiin oo beera geedaha, una sheegeen in ay ku jirto fursad dhaqaale, isagana uu go’aansaday inuu qeyb ka noqdo ganacsigaan.
Waxa uu tilmaamay in mudada gaaban ee uu wado shaqadaan Magaalada ku beeray in kabadan laba boqol oo geedo kala duwan ah, kuwaas oo ay kasoo dalbadeen dadka ku nool Guriceel.
Abuukar ayaa geedaha uu beero waxa uu ka keenaa Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan, & Gobollada kale ee ku yaalla Koofurta Soomaaliya ee dhoobeyda ah, maadaama lagama maarmaan u tahay geedaha la beerayo dhoobeyda ayna kusoo qaadaan geedaha, isaga oo aan wax lacag ah uga bixin, marka laga reebo lacagta uu kusoo qaadayo ee uu ku keenayo Guriceel ku baxeysa.
Waxa uu intaa ku daray in qofka doonaya geedahan laga siiyo lacag u dhaxeysa Laba illaa Toban dollar sida ay kala qaalisan yihiin, sidoo kalana marka loogu tallaalo geedka halka uu rabo, lana fahamsiiyo waxyaabaha lagama maar-maanka u ah korida Geedka u sheegaan.
“Bishan oo sedex mareysa ayaan bilaabay inaan dhirtan la beerto keeno magaalada, Aniga kaliya ma ihi ilaa dhowr qof ayaa keenta, Waxaan ka keenaa baladweyne iyo dhulkaas kale ee dhobeyda ah. Dadka magaalada dagan aad iiga iibsada waxey ku beeranayaan guryahood iyo maheradaha lagu ganacsado hortooda. ilaa 200 oo geed ayaa la iga iibsaday waxaey u badan yihiin geedaha la iga iibsaday. Geedka Liinta, Saytuunka, Raqeyga, iyo Geedaha harka leh ee Fakiska, Baxarsaafka, Showriga, Talaalka iyo kuwa kale. ayuu yiri.”
In kastoo beerista dhirtu ay sabab u noqoto in magaaladu ay yeelato leer fiican, beeristeeduna lagama-maarmaan u tahay isu-dheelitirka deegaanka iyo bilicda ayey dad badan oo ka faaiideystay dhirta, kuna beeray guryahooda ay ku tilmaameen in ay wax fiican u leedahay, dadkuna ay ka faa’iideystaan.
Muxyidiin Xasan Yuusuf oo degan xaafadda Wadajir ee Guriceel ayaa ka mid ah dadka dhirta ka iibsaday dhallinyarada looguna talaalay gurigiisa. Waxa uu SOMA u sheegay in uu ad ugu baahnaa dhirta, balse hada uu fursad u helay in guriga loogu talaalay ilaa lix geed oo kala duwan si uu uga faa’iideysto, maadaama xilli kuleyl lagu jiro.
Waxa uu beertay bishii Maarso ee sanadkaan, haddana ay waxbadan oo isbaddel ah ku keeneen gurigiisa lix bilood oo ay u tallaalan yihiin, xilliga duhurtiina ay isaga & qoyskiisaba jiiftaan geedaha hoostooda oo harsi wanaagsan u leh.
Muxidiin hadda waxa uu ku faraxsan yahay in dadka ku nool Guriceel ay fahmaan muhiimaddu ay dadku u leeyihiin geedaha, sidoo kalan qeyb weyn ay ka qaadato dhir beeristu in uusan dhulka nabaad guurin.
“Adbaan ugu baahnaa dhirtan ay dhalinyardu magaalada iibkeda inoogu keeneyn waxaana ka mid ahay dadka ka faa’iideystay, dad badan oo anigoo kale ah oo u baahan ayaa jiray. Waxan ka iibsaday ilaa lix geed oo kuwii aan rabay ah gurigana la iigu talaalay. Waqtigan hada lagu jiro oo ah kuleyl ayaa ah waqtiga ad u baahan tahay dhirta harka leh iyo si aad faaido oga hesho sababtaas ayaa iska leh inaan hada dhirtan beerto. Ayuu yiri.”
Prof Yusuf Hassan oo ah bare Jaamacadda Safaana ee degamada Guriceel ayaa sheegay in fa’iidooyinka ay dhirta-beeristu u leedahay degaanka nolasha aadanaha aan la sooo koobi Karin, Magaaladuna ay ka mid tahay deegaanada in dhirta lagu beero u baahnaa.
Waxa uu tilamaay in habab tiro badan, dhirtu-tabarteedda, hab-dhismeedkeeda iyo adkeysigeedba waxtar badan ugu samayneyso degaanka ku beeridda dhir badan oo bey’adda ay tahay wax loo baahan yahay, dadkuna ka faa’iideysan karaan.
Prof Yusuf ayaa xusay in dhir beeridu ay hawada dhulka dushiisa ah ka saarto dhibaato kala-duwan oo ay kamid yihiin Dabeylaha, duufaanada kaca, roob yarida, daruurta iney xasisho iyo Bilic darada dhulka.
“Beerida dhirta deegaanka waxey leedahay faa’iidoyin fara badan oo an la soo koobi karin, deegaan ahaan magaalada guriceel iyo bulshada in dhirta ay beertaan waxey ka ka saacideysaa wax badan oo nalasha wax u tara. hababka dhirta loo beerto iyo nuuca ay tahay adkeysiga xaga deegaanka ayey wax badan u sameysaa. in bey’adda & dhulka lagu beero dhir fara badan waxey ka caawineysaa dhibaato fara badan. Ayuu yiri”
WQ: Cabdi-Qadar Xasan oo Radio Galgaduud ka tirsan