Haweenka Uurka leh ee isticmaala Shiishadda ayaa Caafimaad darro u keena dhallaanka ay caloosha ku wadaan. Waxa ay u arkaan in lagu naaxiyo jirka, balse waa khatar ay ka digeen cabideeda Dhakhaatiirka Caafimaadka.
Ma jiro xiriir ka dhaxeeya Dhalmada oo adkaata, iyo Istcimaalka Shiishada, laakiin saameyn xooggan ayey ku yeelaneysaa Caafimaad ahaan, koriinshaha, iyo Caqliga dhallaanka.
Sidoo kale waxaa dhacda in haweeneyda ay inta badan dhicisto, ugu badnaan marka uu canuga caloosha ku jiro Shan bilood.
Maxamed Bootaan Yuusuf oo ka tirsan Radio Risaala ayaa ka wareystay Drs Zamzam Cabdi Xasan oo qaabilsan cudurada Haweenka.
Halkan Hoose ka dhageyso Wareysiga.