Heerka shaqo la’aanta dhallinyarada Somaaliyeed ee wax baratay ee ku sugan gudaha dalka ayaa sii kordhaysa, xilli tiro badan oo dhalliyaro ahna ay ka qalin-jabinayaan Jaamacadaha dalka, taasoo weliba ay sii dheer tahay kuwa wax soo bartay ee ka soo laabanaya debadda.
Cabdiraxmaan Maxamed Cali waa 29 jir sanadkii 2018-kii ku soo dhameeyay waxbarashadiisa heerka kowaad ee jaamacadda dalka Suudaan, isagoo soo bartay Cilimiga Qaanuunka.
Cabdiraxmaan wuxuu dalka ku soo laabtay Sagaal bilood ka hor, ilaa iyo haatanna ma jiraan wax shaqo ah ee uu helay, isagoo u waramay SOMA niyad-jabka ay ku abuurtay Shaqo la’aanta kadib dib ugu soo laabashadiisa oo uu rajeynayey in si dhaqso leh uu u helo.
“Wallaahi waxaa weeye anigoo aqoontii leh oo maanta is dhahayey dalkaagana ku intifaac adigana nin dhallinyar aa tahay, mustaqbal iyo ayaatiinkaaga ka gun-gaar, balse caqabadaa iska jira, marka meeshaa tagtaba shahaadada laguugu qiimayn maayo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.
Shaqo la’aanta baahsan ee dhallinyaradu wajahayaan waxaa loo sababaynayaa in aysan helin tababarro xirfadeed oo ay ku shaqaystaan iyo inay yar tahay abuuritaan shaqooyin ay iskood wax ugu qabsanayaan, intii ay sugi lahaayeen iney u shaqeeyaan dawlad ama dad gaar ah, waxayna ka bixi lahaayeen shaqo la`aanta, sida ay aaminsan yihiin dadka u ololeeya shaqo abuurka.
Drs Batuulo Axmed Cali waa mid ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee u ololeeya shaqo-abuurka dhallinyarada ayaa sheegaya in dhallinyarada ay badankood ka soo baxaan kulliyado cilmigoodu u badan yahay iney ardayda ka soo baxdaa ayan lahayn wax xirfad ah, taasoo keeneysa iney raadiyaan cid ay u shaqeeyaan, halkii loo abuuri lahaa iney noqdaan mustaqbalka dad isku filan oo iskood u shaqaysta.
Waxaa kale uu tilmaamay in aysan dhallinyaradu u jeesan wax soo-saarka gudaha xaggiisa sida, beeraha, kalluumaysiga iyo dhamaan khayraadka taasoo uu sheegay in ay dayacan yihiin.
“Culaysyska dhallinyarada waxa ugu wayn ay saaran waxaa waaye inuu qofka shaqeeyo, ee diiradda ma saaro inuu isagu shaqo-abuur sameeyo oo maskax la imaadan.” ayuu yiri Drs Batuulo
Cabaas Ibraahim Mandeela waa aabaha Afar carruur ah, Laba gabdhood iyo laba wiil kuwaas oo dhammaantood wax barta. Cabaas markii uu wadi kari waayay waxbarashadiisii jaamacadda ayuu sameystay xirfad uu ku shaqaysto, taasoo ah farsamaynta alaabta guryaha iyo qalaba xafiisyada, wuxuuna sheegay inuu iskufilan yahay oo dhaqaalaha ka soo gala uu ku maareeyo noloshiisa, kagana baxay welwelkii ka haystay dhaqaale la`aanta.
Cabdikariin ayaa hadda ku dhiirrigeliya dhallinyarada aan shaqayn iney goobtiisa shaqada yimaaddaan si ay xirfaddan u bartaan sida uu SOMA la wadaagay.
“Ninka shaqada hayn duhurkii uu soo kacaa, markaas ayuu ku tashanaa nin kale jeebkiisa waxa uu soo shaqaystay; markaa ugu yartay miis meel la fariiso, wax gad, wax soo dhacso, dadka waa ku jeclanayaan, lakiin markaa shaqo la’aan tahay oo shaxaad ku sii nooshahay, maanta ninkii wax ku siiyo, berri ma ku siinayo,” ayuu yiri Cabaas oo talo siinaya dhallinyarada aan shaqaynin.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawladda Federalka ee Soomaaliya ayaa aaminsan in shaqo la’aanta dhallinyarada ay sabab u tahay xirfad la’aanta.
Waxaana ay sheegtay inay qorshaynayso abuurista dugsiyo lagu barto xirfadaha kala duwan, kuwaa oo laga hirgelin doono Magaalooyinka Hargaysa, Garowe, Muqdisho, Kismaayo, Jowhar iyo Baydhabo.
WQ: Maxamed Bootaan Yuusuf oo Risaala ka tirsan.