In ka badan Sagaashan caruur ah ayaa nasiib u helay in ay waxbarashada dugsiga dhexe ay ku dhigtaan deegaanka Farlibaax iyadoo ardaydii ka horeeysay ay waxbarashada dugsiga dhexe iyo sare ay usoo aadi jireen Baledweyne ama magaalooyinka kale sida Muqdisho
Maamulaha Schoolka Hoose, Dhexe iyo Sare ee Farlibaax Muxumed Cumar Cabdi ayaa sheegay in marxalado kala duwan ay soo martay waxbarashada Iskuulka, tan iyo sagaashameeyadii oo uu furan yahay. Waxa uu xusay markii hore ay ku bilaabeen in ardayda wax ku baraan geedaha hoostooda, si aysan aqoonta uga leexan.
Waxa uu tilmaamay Hay’ado ka shaqeeya arrimaha waxbarashada ay uga dhiseen, dhul loogu deeqay fasallo dugsi hoose ah, taas oo ay ka aflaxeen dhowr iyo toban dufcadood, balse dhibaatada ugu weyn ay haysatay ay kamid ahayd meel ay ardayda kusii dhameystirtaan waxbarashada aasaasiga ah, oo ay Magaalooyin kale u aadi jireen.
Muxumed ayaa xusay in qurbajoogta kasoojeeda Farlibaax ay xiriir lasoo sameeyeen kana codsadeen dhismaha Iskuulka in la ballaariyo sidoo kalana ay la dayactir iyo qalbeyn xafiiseed helo Iskuulkan, isagana uu aad usoo dhaweeyey arrintaan, maadama ay noqoneyso markii ugu horreysay uu deegaanku yeelanayo dugsi dhexe iyo sare.
Waxaa uu SOMA u sheegay in Macallimiinta joogta hadda Iskuulkan ay ku filan yihiin waxbarista ardayda joogta, balse ay baahi weyn u qabaan in ay macallimiinta helaan tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda, oo aysan marna qaadan.
“Dugsiga dhexe waxaa dhigta 93caruur ah macalimiinta waa ku filanyihiin maxaa yeelay waa hoose dhexe macalimiintawaa 8 maamulaha ayaa 9 ku ah markii hore 6 qol beey ahaayeen sadax hoose dhexe iyo sadax sare baa lagu daray anagaa dalbanay jaaliyadana si kalsooni leh oo iimaan leh oo barako leh ayeey noogu dhiseen” Ayuu yiri maamulaha.
Qurba joog kasoo jeeda deegaanka Farlibaax oo 45 KM dhanka galbeed kaga beegan Baledweyne ayaa dhisme cusub iyo dayactirka fasallo hore u dhisnaa ka hirgaliyay kadib markii ay ka codsadeen qeybaha kale duwan ee bulshada ku dhaqan Farlibaax waxaa ayna qurbajoogtan ku mideysan magaca ambaqaad dhiseen dugsi dhexe iyo sare.
Cabdi kariin Cali Faarax waxaa uu waxbarashada dhexe iyo sare usoo aaday Baledweyne, waxa uu tilmaamay in jiilka isaga ka dambeeya ay tani u tahay farxad weyn maadaama ay wax ku baranayaan goob ay joogaan waalidkood, isagana uu arkin waalidkiis muddo Lix sano ah, oo ah inta uu Filbaax kaga soo maqan yahay Baledweyn.
Waxa uu tilmaamay in hadda isaga uu qorsheenayey in laba kamida walaalihiis u diyaariyo guri ay dagaan si Baledweyn ugu dhameystiraan waxbarashada dhexe iyo sare, maadaama ay soo dhameeyeen Dugisga hoose, laakin nasiib u yeesheen in ay isla deegaanka Farlibaax kasii wataan waxbarashadooda.
“Haa weey jiraan labo walaalaheey ah oo waxbarashada rabay lkn dhaqaalaha haan waalidka ay awoodiwaayeen lkn hal qof ayaa loo awooday aniga ayaan soobaxay maadaama magaalooyinka baledweyne iyo xamar bas loosoo aadaayay anigaa soo baxay wllaalaheey xoola raac ayey iska noqdeen lkn hadda aad ayaan ugu faraxsanahay in walaalheeywaxbarasho dib u helaan” ayuu yiri Cabdikariin.
Waalidiinta ay ardaydooda dhigato Farlibaax Iskuul oo markii hore ka walwalsanaa in ay kala doortaan in ay kala fogaadaan carruurtooda ama ay waxabarashada ka haraan ayaa sheegaya in tani ay ku dhiirigalineyso in ubadkooda sii wataan waxbarashada.
Maxamuud Cabdulle Faarax oo kamida waaalidiinta deegaankan waxaa uu SOMA u sheegay in ay la kulmi jireen caqabada badan oo ku aadan waxbarashada caruurtooda marka ay u dirayaan magaalo kale iyaga oo ka wal walsanaa ka warqab la’aanta caruurtooda iyo ammaanka magaalooyinka oo aan la isku halleyn Karin..
Waxaa uu tilmaamay in qiyaastii Shan boqol oo arday ay hadda deegaanka uga maqan yihiin Magaalooyinka Baledweyn iyo Muqdisho si ay usoo dhameys tiraan waxbarashada dhexe iyo sare, balse ay rajeynayaan in arday kale heerkaas oo kale uga bixin Farlibaax, maadaama ay hadda baahidaas buuxsantay.
Maxamuud oo hadda sadax kamida caruurtiisa ay ka dhigta fasalka 12-aad ee dugsiga sare magaaladan Baledweyne ayaan wax rajo ah ka qaba in uu caruurtiisa dib ugu celiyo Farlibaax maadaama ay marayaan heer gabo gabo ah oo ay u hartay kaliya bilooyin kooban, balse ay ka qeyb qaadan doonaa horumarinta waxbarashada deegaankooda.
“Caqabado badan ooxagga magaalada aan kala kulmi jirnay caruurta naga maqan darteed caruur aadlaba meel kula hoyaneeysiin oo laga yaabo in uu sanado kaa maqnaado oo daryeelkiisa iyo waxa uu kusugan yahay aadan ka war hayn wadankiyoo xaga amniga iska dhib badan maandooriyahii oo wadanka kusoo badanaayo kufisgiib iyo caqabada badan ayaajira caruurta ii maqanna waxaa ay isugu jiraan hablo iyo wiilal markaa schoolkaan waxaa uu naga caawinayaa waxyaabo badan oo caruurta naga maqan xageeda uga nabadgali laheyn 3 caruurayaa iga maqan oo laba wiil iyo gabar kala ah” Ayuu yiri Muxumed.
WQ: Shukri Baryare oo ka mida Radio Hiiraanweyn